Booliska Japan oo Qabtay Nin Gurigiisa Laga Helay Xubno Jidh Dad La Googooyay oo uu Tallaagad Ku Haystay

0
552

W/wararka(Xogsoor Media.Net):-  Booliiska dalka Japan ayaa qabtay oo xidhay in dhallinyaro ah oo gurigiisa laga helay xubno jidh dad oo la googooyay isla markaana talaagado lagu kaydiyay.

Ninka la soo qabtay ayaa laga soo saaray gurigiisa iyo sanduuq qaboojiye ah oo gurigiisa hor yaallay xubnaha sagaal qof  jidhkood oo kala duduwan oo ay ku jiraan laba madax.

Guriga ninkaasoo  ku yaala meel u dhaw magaalada Tokyo.ayay boolisku dhacdadan argagaxa badan kala kulmeen mar ay ku jireen baadigoobka qof dumar ah oo dhawaan la waayay.

Booliis ayaa qaboojiye ka soo saaray labo madax oo banii’aadam, qaboojiye yaalay bannaanka guriga ninka laga shakisan yahay oo magaciisa lagu sheegay Takahiro Shiraishi.

Booliiska ayaa baadhitaan ku hayay haweenay la waayay marka ay dhacdadan la kulmeen iyadoo ay markaa  ka dibna ay  heleen xubnaha toddobo ruux oo kale, kuwaas oo iyagana la galiyay qaboojiyeyaal gurigiisa dhexyaalla.

Ninkan 27 jirka ah ayaa looga shakisan yahay xubnaha jidhkan.Xubnaha jidhka ee ay booliisku helaan ayaa laga soo kala jaray siddeed rag ah iyo hal dumar ah, xubnaha jidhkuna way kala duduwan yihiin sida uu ku warramay wargayska Japan ka soo baxa ee Mainichi Shimbun.

Shiraishi ayaa sheegay in uu dilay sagaalka ruuxba isla markaana uu  qariyay maydkooda, sida ay ku warrantay warbaahinta NHK oo soo xiganaysa booliiska.

Dhanka kale qofka dariskiisa ah ninka gurigiisa laga helay xubnaha jidhka dadka ee la googooyay,ayaa sheegay  oo labadooda guri isku albaab xigaan ayaa sheegay in ay ur qadhmuuni u soo uri jirtay tan iyo markii uu soo agdegay Shiraishi bishii August, sida ay booliiska iyo Asahi Shimbun sheegeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here