Berbera(Xogsoor Media.Net):-Wasiirkii arrimaha dibedda Somaliland ee xukumadda Siilaanyo imikana ka tirsan masuuliyiinta ugu sarraysa xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Maxamed Biixi Yoonis,ayaa sheegay in markii uu wasiirka arrimaha dibedda uu ahaa in uu si cad u diiday wareejinta dekeda Berbera iyo saldhigga Millatari ee madaarka Berbera lagu siinayay dawladda Imaaraadka Carabta.
Maxamed Biixi Yoonis oo maanta oo ay ahayd maalintii sadexaad ee ololaha uu u lakaa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka hadlayay magaalada Berbera oo isu soo bax aad u balaadhan ay ka sameeyeen taageerayaasha Xisbiga WADDANI,ayaa intaa ku daray in sababta uu u diiday in ay ahayd isagoo dalka iyo dadka u tudhaya.
“Waxaad ogtihiin in aan ahaa wasiirkii hormoodka u ahaa hawlaha dekeddan iyo madaarka Saldhiga laga dhigayo ee labadaba diiday ayaan ahaa taariikhduna way ogtahay . waxaanu diiday aniga oo idiin danaynay, maanta waxba ku dheeraan maayo oo haddii aan taariikhdeeda galo waxaan ka yaabaya in aad gadoodaan dhibaato intaas ka wayni dhacdo,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo Berbera kula hadlayay kumanaan reer Saaxil ah oo ololaha doorashada isugu soo baxay.
Waxa uu sheegay in ay ilaha dhaqaalaha ee la bixiyay iyo dhulka danta guud ah ku soo celin doonan gacmaha shacabka “Haddii aanu nahay Waddani waxaanu ballan idiinku qaadayna in aanu ilaha dhaqaalaha ee Deked leh ee Madaar leh ee kalluun iyo sibidh leh horumarkooda ka shaqayno. Dhulkaas Berbera ee la wada dayrtay ee la boobay ee laga wada gaadhsiiyay gacantiina ayaanu ku soo celinayna, ha ka warwarina gidaarrada waanu duminayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee khaarajigu.
Waxa uu intaasi raaciyay in ay dhaqaalaha wax ka qaban doonan “Waxaanu ballanqaadayna haddii aanu reer Waddani nahay in aanu dhaqaalaha wax ka qabano, in aanu sixir bararka wax ka qabano, waad arkaysaan dadkeenii maanta sixir barar baa aafeeyay, abaara ina haysta, farsamo ay ku maamulaan ma laha Kulmiye. Dhaqaalihii dhulka ayuu galay gaajadii iyo baahidii way badan tahay. Insha Allaahu haddii aanu qabsano waanu qabsane waxaanu wax ka qaban doona arrimahaas oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in markii uu xilka hayay dekedda Berbera keenay wasiirradii u badna ee Itoobiya ka yimaadda, islamarkaana la saxeexday heshiisyo ku saabsan in la isku xidho Berbera iyo Itoobiya lana dhiso jidad baabuurta ah iyo xadiid tareen laakiin, xukumadda joogta dadaalkaasi ku bedelatay xaqul qalin. Waxaanu sheega in xisbiga Waddani leeyahay aqoon lagu kasbado Citiraaf iyo maalgashi caalami ah.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland