“Dadku Nabad iyo Nolol ayey Doonayaan Markaa Wixii Umada Dan u ah ku Ololeeya.” Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Farriin u Diray Xisbiyada Qaranka

0
499

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa farriin u diray xisbiyada qaranka una soo jeediyay in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee ay fagaarayaasha isaga gudbinayaan.

Dr Sacad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in umada loo sheego waxay tabayaan ee ay u baahan yihiin laguna tartamo waxyaabaha ka turjumaya daruuriyaadka nolosha ee ay dadku tebayaan.

Wasiir Dr. Sacad Cali Shire oo ugu horayn ka hadlaya hadalada xanafta leh ee ay is waydaarsadeen murashaxiintu ayaa waxa uu yidhi “Runtii doorashadu si wanaagsan ayey inoogu socotay sidii aynu u galnay shantii ka sii horeeyeyba marka laga reebo hadalo xanaf leh oo layskutuurtuuray oo ka soo baxay fagaarayaasha laga hadlo, arintaas waxa laga yaabaa inaanay siyaasiyiintu dareensanay balse dhaawac weyn ayuu inoo gaysanayaa runtii,doorashadeena si fiican ayaa loo danaynayaa oo loola socdaa, wixii aynu nidhaahno iyo wixii aynu qabano waa la duubayaa waana la arkayaa waana la maqlayaa, markaa waxa wanaagsan inaynu ka fogaano wax kasta oo sumcad xumo inoo keenaya.” Ayuu yidhi Dr. Wasiir Sacad oo u waramay Eryal TV.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada ayaa murashaxiinta ku waaniyey inay ku ololeeyaan waxyaabaha taabanaya nolosha shacabka, waxaanu yidhi “Tiirarka aynu ku taaganahay ee laynagu qadariyo waxa weeyaan nabada, dimuqraadiyada iyo hanaanka dawladnimo, haddii aynu la nimaadno wax burinaya intaas sumcadeenu hoos ayey u dhacaysaa halkii aynu taagnayna hoos ayeynu uga dhacaynaa taasina maaha himiladeena,  haddii wax walba ay inoo hagaagaan oo ay doorashadaasi maanta inoogu dhacdo si xor ah oo xalaal ah sidii aynu baryihii hore u baranay wax weyn ayey ka baddalaysaa geedi socodka ictiraafkeena, markaa muwaadiniinta, siyaasiyiinta, saxafiyiinta iyo cid walba waxaan ka codsanayaa in nidaamka, anshaxa iyo nabada la ilaaliyo oo laga fogaado wixii cilad iyo xanaf ah ee xajiimayn keenaya oo dib loogu soo noqdo in lagu ololeeyo wax ay dadku danaynayaan, dadkuna nabad iyo nolol ayey doonayaan, shaqo ayey doonayaan, waxbarasho ayey doonayaan,markaa waa in lagala hadlaa waxyaabahaas taabanaya nolosha dadka oo laga dhaafo xanafta iyo hadalka xun.”

Wasiir Dr. Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale hadlay sababta uu uga muuqan waayey ololaha xisbiga kulmiye, waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahay dawlada Kulmiye oo wasiir ayaan ahay, waxaanan ku jiraa golaha dhexe ee Kulmiye, anagu kulmiye ayaanu nahay oo murashax ayaanu leenahay waanan soo dhawaynayaa tartanka lagula jiro xisbiga kulmiye, ololaha doorashaduna maaha meel laysa soo taago laakiin wajiyada faraha badan ee loo taageera way badan yihiin, aniguna inta u ololaynaysa xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay, waxaanan aad ugu kalsoonahay in wixii uu Kulmiye soo qabtay ay ahaayeen wax dadku ku qanacsanahay, waxaanan ku kalsoonahay barnaamijka uu xisbigu keenay, waxaanan aad ugu rajo weynahay in murashaxa xisbiga Kulmiye uu noqon doono hogaan wanaagsan oo wax badan ka tara dhibaatooyinka dalkeena haysta.

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here