Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa ka hadlay hannaanka uu u socdo ololaha Doorashada asxaabta qaranka Somaliland.
Waxaanay farriin u direen asxaabta qaranka,shirka Jaraa’id ka dib qoraal ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan.
Waxa maanta oo bishu tahay 27kii October 2017 ku qabtay shir jaraa’d ururada u dooda xuquuqal insaanka. Waxa ka hadlay halkaas Faysa Aw Cali oo ah gudoomiyaha koox ay samaysteen ururadu inta doorashadu socoto, iyo Jamaal Xuseen Axmed oo ah af-hayeenka kooxdaas. Waxa kale oo joogay xubno kale oo uu ka mid yahay Guuleed Axmed Jaamac, guddoomiya Xarunta Xuquuqal Insaanka, Liibaan Cabdi Xasan oo ka tirsan ururka suxufiyiinta ee SOLJa iyo Werda Mooge oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arimaha bulshada
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka oo ka kooban ururada ka hawl gala ilaalinta xuquuqal insaanka ee Somaliland oo beryahan kulamo is dabo joog ah ku lahaa magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama waxaay umidoobeen in ay si midaysan uga wada shaqeeyaan arimaha xuquuqal insaanka ee la xidhiidha doorashada
Kooxdu waxay kormeer joogto ah ku sameyn doonaaan hannaanka uu u socdo ololuhu si loo hubiyo inaan wax xad gudub ha loo gaysan xuquuqda iyo xorriyaadka dadka
Haddaba, wada tashi badan iyo kulamo is dabo joog ah oo aanu la yeelanay dhamaan dhinacyada ay khuseyso arimaha doorashooyinku oo ay ka mid yihiin xisbiyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah iyo Gudida Qaran ee Doorashooyinku, waxaanu ugu baaqaynaa
Dhammaan xisbiyada Somaliland inay dhawraan dastuurka, xeerarka dalka, go’aamada Gudida Doorashooyinka iyo Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada
In si buuxda loo fuliyo go’aamadii Gudida Doorashadu soo saartay ee la xidhiidhay saacadaha olaha, anshaxa iyo bad qabka shacabka iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo waxyeelo u gaysan kara taageerayaasha asxaabta iyo shacabka kale ba
In madaxda xisbiyadu ay ka joojiyaan taageerayaashooda inay waxyeelo ama hagardaamo u gaystaan astaamaha, xafiisyada iyo calaamadaha xisbiyada kale
In ay ololaha ka saaraan cunfiga, hadalada iyo wax kasta oo bulshada kala fogayn kara
Difaacayaashu waxaay ugu baaqayaan laamaha kala duwan ee dawladda inay si siman oo caddaaladi ku jirto ula dhaqmaan sadexda xisbi; iyo in la fuliyo go’aamadii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, lana dhawro shuruucda dalka oo aan lagu ololayn hantida qaranka
Waxaanu ku baaqaynaa in shaqaalaha dawladdu ay ka fogaadaan siyaasadda sida ku cad shuruucda dalka u taal
In la fuliyo go’aamada Gudida Anshaxa Doorashooyinka
Waxaanu ugu baaqaynaa laamaha amniga inay hubiyaan in xisbiyadu si madax banaan oo siman u qabsadaan ololaha iyo hawlohooda doorasho oo aan wax caqabad ah la hor dhigin
Waxaanu warbaahinta ka codsanaynaa inay si buuxda u fuliyaan Xeerka Ansaxa Warbaahinta ee xiliga doorashada
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland