Nairobi(Xogsoor Media.Net):- Berrito oo khamiis ah ayay ku beegan tahay doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya,iyadoo uu Doorashada ku celiska ah qaadacay hoggaamiyaha isbahaysiga Mucaaridka ah ee Odinga isla markaana waxaa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay muddaharaad ka dhigaan guud ahaan dalka oo dhan.
Doorashada ku celiska ah ayaa timi markii maxkadda dastuuriga ah ee dalkaasi ay laashay doorashadii dalkaa ka qabsoontay ee uu sida weyn ugu guulaystay Madaxwynaha dalkaa ka taliya ee UHURU,iyadoo natiijadii doorashadaas ay cabasho wayn ka muujiyeen isbahaysiga mucaaridka ee uu hoggaamiyo Odinga isla markaana ay dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalkaas.
haddaba waxaanu halkan idoonku soo gudbinaynaa warbixin dheer oo ay doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya ay ka qortay BBC-Somali
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday inaysan ka qeyb qaadanin doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.
Mr Odinga ayaa ka haray tartanka doorashada isagoo sheegay inuusan ku qanacsanayn qaabka uu doorashadaasi uu u qabanayo guddiga doorashooyinka.
Maxkamad ayaa laashay natiijada doorashadii dhacday bsihii Agoost oo uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa mar sii horreysay sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa ka dib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.
Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, David Maraga, ayaa sheegay in maxkamaddu aysan go’aan ka gaari karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ahi iyo in kale.
David Maraga ayaa sheegay in garsooreyaasha maxkamadda oo toddobo ahaa aysan u suurtagelin dhammaantood in ay soo xaadiraan maxkamadda.
Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd kaddib markii talaadadii shalay ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda.
Booliska iyo taageerayaasha Odinga ee Kisumu oo isku dhacay
Sida uu qabo sharciga, ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go’aan u gaarto balse Maraga ayaa sheegay in gabadha ku xigeenkiisa ahi Philomena Mwilu aysan u suurtagelin in ay maxkamadda timaaddo..
Garsoore kale ayuu Maraga sheegay in uu soo xaadiri waayay maxkamadda maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.
Labo garsoore oo kale ayaysan iyaguna u suurtagelin in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwadda mana uusan caddeyn sababta halka mid kale oo joogay meel ka baxsan caasimadda Nairobi ay u suurtageli weyday in ay hesho duulimaad ay ku timaaddo Nairobi.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa raalligelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintani khuseysay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.
Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayeen in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqda in doorasho hor leh la qabto.
Isbaheysigiisa NASA ee Odinga ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.
Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.
Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.
”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yidhi Wafula Chebukati.
Xogsoor Media.net
Hargeisa somaliland