Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Gudiga Joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland,ayaa Farriin u diray sadexda Xisbi qaran ee ku loolamaya doorashada Madaxtooyada iyo bulshada Somaliland kuna adkeeyay in ay nabadgelyada ilaaliyaan isla markaana u hoggaansamaan guud ahaan shuruucda dalka iyo xeerarka lagu dhaqayo Doorashada ee asxaabta qaranka iyo Komishanku kala saxeexdeen.