Ganacsade Aadan Baradho oo Farriin u Diray Asxaabta Qaranka’ Bulshada iyo Gudiga Doorashooyinka Madaxdhaqameedkana Talo u Jeediyay

0
445

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye Aadan Baradho oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland,ayaa Farriin u diray  musharixiinta iyo sadexda Xisbi qaran,Bulshada Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka.

Farriintaas oo uu kaga hadlay doorashada Madaxtooyada ee soo socota iyo sida loogu baahan yahay in marwalba ay maanka ku hayaan murashaxiinta tartamayaa in ay guulaysan karaan iyo in laga guulaysan karoba.

waxaa kale o u gudiga doorashooyinka ku ammaanay hawsha wanaagsan ee ay soo qabteen iyo siday wax u wadaan waxaanu kula dardaarmay in inta hadhayna ay sidaas u wadaan oo ay u dhabar aadaygaan hawsha baaxadda wayn  iyo masuuliyadda masiiriga ah ee ay gacanta ku hayaan dalkana ay ka qabtaan Doorasho xor iyo Xalaal ah.

waxaanu sidoo kale bulshada reer Somaliland ku adkeeyay in ay nabada ilaashadaan oo ay dhan uga soo wada jeedaan wax kasta oo dhib keeni kara.

ugu dambayn waxaa uu madaxdhaqameedka Somaliland ku bogaadiyay kaalinta nabadaynta iyo isu soo dhawaynta bulshada ah ee ay dalka kaga jiraan waxaanu ku waaniyay in ay ka baxaan oo aanay ku milmin siyaasadda isla markaana dib uga fadhiistaan ololeyaasha asxaabta ee ay siyaasiyiintu madaxdhaqameedka faraha u galiyeen.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here