Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Hay’addda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle,ayaa jawaab cad ka bixiyay qoraal rasmi ah oo gudiga anshaxa doorashooyinku u dugbiyeen guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo ay kaga dalbanayeen in ay wax ka qabtaan Cabdikariim Axmed Maxamed Xinnif oo ay ku eedeeyeen in uu ku gefay xeerka shaqaalaha dawladda isla markaana uu ololeeyay.
Guddoomiye Shrma’arke oo jawaab ka soo saaray dacwadda Xinnif ee loo gudbiyay ayay u dhignayd sidan qoraalka uu soo saaray.
“Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban
Tixraac CSC/GDQ/21/2017 Taar 08/10/2017
Ku: Sucaad Ibraahim Cabdi
Guddoomiyaha Guddida Anshaxa JSL =Hargeysa=
Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL =Hargeysa=
Og:: Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye JSL
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeedo: Jawaab Celin Codsi Tallaabo Anshax Marineed
Mudane/Marwo
Aniga oo tixraacaya waraaqda sumaddeedu tahay GA/XGA/007/2017 kuna taariikhsnayd 07/10/2017 ujeeddadeeduna ahayd Tallaabo Anshax oo lagu qaado Cabdikariim Axmed Maxamed.
Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista Goob-joogayaasha ee dhawaan Xisbiga Kulmiye magacaabay.
Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban yahay wareegto
Madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/M/AID-KA/104-0146/082010 kuna taariikhaysan 16/08/2010.
Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan: (Agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Madaxweynaha) isla markaana xeerku xusay in madaxweynuhu yahay guddoomiyaha hay’adda “AIDS-KA”.
Ka dib markii aan dib u darsay sharciga shaqaalaha dawladda Sharci LAM.7/96 Qodobkiisa 2aad faqraddiisa 1aad oo xusaya KU-DHAQIDA sharcigan oo tilmaamaya in lagu dhaqayo shaqaalaha joogtada ah ee dawladda (Kuwaas oo ay shaqaaleeyaan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda).
Sidaas darteed, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in wixii aad abaal marin ama anshax marin u aragtaan u gudbisaan Madaxweynaha JSL.
Wada Shaqayn Wacan
Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda