W/wararka(Xogsoor Media.Net):- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz,ayaa iska casilay shaqadii dnajirenimo ee uu dalkiisa uga hayay Soomaaliya.
Danjire Stephen Schwartz oo ahaa safiirkii ugu horreeyay ee Maraykanku Soomaaliya u soo magacaabo tan iyo burburkii dawladdii Millatariga ahayd ee Siyaad Barre hoggaamiyay oo burburtay 91-kii.
Ambassador Schwartz ayaa is-casilaaddiisa lagu sheegay in ay la xidhiidho arrimo shaqsi oo isaga u gaar ah sida uu laanta afka Somaliga ee Idaacadda VOD-da u xaqiijiyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Axmed Ciise Cawad.
Safiirka shaqada iska casliyay ayaa lasoo magacaabay bishii June sanadki 2016-kii.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland