Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madadaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa Maanta ka soo ah ka soo xaadiray xarunta tababarka kooxdiisa ee Valdebebas isaga oo waqti la qaatay tababare Zinedine Zidane iyo ciyaartoyda aan xulalka qaramadooda looga yeedhin ee uu Zidane tababarka siinayay.
Ciyaartoy muhiim ah oo dhaawcyo ka soo noqday iyo kuwa aan qaramadooda looga yeedhin ayuu Perez si buuxda u daawaday iyaga oo tababarka qaadanaya.
Ciyaartoyda maanta tababarka Real Madrid ku jiray ee uu Florentino Perez la kulmay ayay ka mid ahaayeen Lucas Vazquez, Marcelo, Karim Benzema iyo Theo Hernandez iyada oo waliba Theo uu u dabaal degayay sanad guurada 20 aad ee dhalashadiisa wuxuuna Zidane helay war fiican iyada oo xidigaha dhaawaca ka soo laabtay ay si buuxda isku diyaarinayaan.
Laakiin Dani Carvajal oo xaalad wadno xanuun ku maqan ayaan qayb ka ahayn tababarkii maanta isaga oo sidoo kale aan looga yeedhin xulka qarankiisa Spain. Carvajal ayaa wajahaya in uu muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaado iyada oo xalaad wadno xanuun ahi walwal wayn ku hayso Real Madrid.
Madax waynaha Estadio Santiago Bernabeu ee Florentino Perez ayaa ciyaartoyda xarunta tababarka kooxdiisa ku sugnaa iyo Zidane mid-mid u gacan qaaday waxaana ciyaartoyda nasiibka u yeeshay in ay Perez la kulmaan ka mid ahaa goolhayaha kooxda Real Madrid U19 ee Moha kaas kooxda kowaad tababarka la qaadanayay.
Waxa kale oo aan xulalka qaramadooda looga yeedhin isla markaana tababarkii maanta ee Real Madrid ka maqnaa Gareth Bale iyo Mateo Kovacic kuwaas oo dhaawcyo ka soo kabsanaya laakiin Karim Benzema, Marcelo iyo Theo ayaa si buuxda uga soo kabsaday dhaawacyadii ay la maqnaayeen.
Florentino Perez ayaa bishii la soo dhaafay waday olole heshiis kordhinta kooxdiisa waxaana heshiisyo cusub soo saxiixay ciyaartoy ay ka mid yihiin Isco, Asensio, Benzema, Carvajal iyo Marcelo laakiin Casemiro ayaa hadda ah xidiga aan heshiis waqti dheer ah oo cusub u saxiixin Madrid halka Zidane uu sii ogolaaday in uu qandaraas cusub u saxiixo Bernabeu.