Wefti Somaliland ah oo Lubnaan u Tegay Ka Guuridda Furaha Isgaadhsiinta Soomaaliya Casuumadna u Fidiyay Raysal-wasaaraha dalkaas

0
354

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar,ayaa sheegay  xeerka isgaadhsiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya dorraad uu saxeexay in uu yahay xeer u gaar ah dalka Soomaaliya ee dersika yihiin Somaliland isla markaana Somaliland xeerkeeda Isgaadhsiinta  Madaxweynaha Somaliland uu saxeexay 2011-kii. Kaasoo ah ka wasaaraddu ku dhaqdo Is-gaadhsiinta dalka ee qaranka Somaliland uu leeyahay.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Somaliland ay ka guurayso furaha dal ku galka isgaadhsiinta ee Soomaaliya oo markii hore ee ay jirtay wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya mid ahaa,laakiin tan iyo markii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay ay isticmaalaysay kii ka wada dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya,taasoo uu tilmaamay in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii ay talada dalka la wareegtay in ay ka hawl gashay sidii fure is-aadhsiin oo u gaar ah Somaliland sidii loo heli lahaa.

Wasiirka ayaa inaa ku daray in uu socdaal ku tegay dalka Lubnaan isla markaana uu la kulmay shirkado waaweyn oo dhanka Is-gaadhsiinta ah iyo madax sare oo ka tirsan dawladda dalka Lubnaan gaar ahaan madaxda wasaaradda Is-gaadhsinta ee Lubnaan,waxaanu intaa raaciyay in ay casuumad u fidiyeen Raysal-wasaaraha dalkaas isla markaana xidhiidh walaalnimo oo dhaw uu u bilaabmayo Somaliland iyo Lubnaan.

Wasiir Abraat oo shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ka dib wargayska dawan wax ka waydiiyay socdaalka uu ku tegay dalka Lubnaan ujeedadiisii iyo waxyaabihii u soo qabsoomay,ayaa ku jawaabay. “Socdaalkaygu wuxuu ahaa mid shaqo oo aanu ku doonaynay in aanu shirkado waawayn iyo kambaniyo dalkaa ku sugan la kulano isla markaana aanu dalka u raadino shirkado caalami ah oo aanu heshiis kula galno sidii Somaliland ay u yeelan lahayd fure isgaadhsiineed oo u gaar ah,markii aan dalkaa tegay si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay waxaanan la kulanay shirkado waawayn oo ay ka mid yihiin kambanigii dhisay Kosofo iyo kuwo badan oo kale waxaanan kulamo wada yeelanay madax sare oo dalkaas ah gaar ahaan wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta socdaalkayguna wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee wefti Somaliland ka socdaa uu Lubnaan ku tago,waxaana inoo bilaabmaya xidhiidh dhaw oo walaalnimo aad ayaanay u danaynayaan iskaashi aynu wadaagno waxaanan madaxdii wasaaradda Boosaxa ee aanu kulanay ugu dhiibnay Raysal-wasaarahooga casuumad aanu dalkeena ku marti qaadnay jawaabtana dhakhso ayay inoo soo gaadhdsiinayaan weftiyo kalena waynu is dhaakhsanaynaa kambaniyadii aanu la kulanaynaya waanu kala dooranaynaa si dalku uga xoroobo furaha isgaadhsiinta Soomaaliya oo aynu mid gaar ah u yeelano waana waxqabadka Madaxweynaha qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siduu u arko xeerka Madaxweynaha Soomaaliya saxeexay ee is-gaadhsiinta iyo in uu wax saamayn ah ku yeelan karo Somaliland,ayaa yidhi.  

Xigasho Wargayska Dawan

Xogsoor Media.Net

Hargeisa Ofice

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here