Ururka SOLJA Oo Tababar U Furay Wariyeyaal Ka Hawl Gala 4 Gobol iyo Guddoomiye Xuuto oo ka Hadlay Xeer Komishanku ka Cago Jiidayo

0
382

Hargeysa (Xogsoor Media.Net): – Ururka Suxufiiynta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta 30 Wariye oo ka hawl gala qaybaha kala duwan ee warbaahinta afar gobol oo Somalilad ka tirsan waxay tababar uga fureen caasimadda Hargeysa.

Suxufiyiintii ka soo qayb-galay tababarkan o ka kala socday gobolada Maroodijeex, Gabilay Awdal iyo Sool,ayaa  waxay wax kaga ogaadeen xidhiidhka ka dhexeeya warbaahinta iyo doorashooyinka  dimuqraadi ah, doorka ay warbaahintu ku leedahay doorashooyinka iyo ururinta xogaha ku saabsan xuquuqda aadamaha inta lagu gudo jiro doorashooyinka (monitoring human rights in the context of Election).

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada tababarkani ku saabsan tahay doorka saxaafadu ku leedahay doorashooyinka, waxaanu sidoo kale uu sheegay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka caga-jiidayo saxeexa xeerka anshaxa saxaafada ee xiliga doorashooyinka (Cord of Conduct). Gudoomiyaha Ururka SOLJA waxa intaasi ku daray in doorkii Suxufiyiintu meesha ka maqan yahay oo aad moodo in duruufo badan oo jira, ay doonayaan urur ahaan inay kor u soo qaadaan doorkii saxaafadu lahayd, waxaanu tilmaamay in tababarka kan ku xiga ay u qaban doonaan dhamaan saxafiyiinta lixda gobol ee Somaliland. Dhinaca kale waxa isaguna furitaankii tababarkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Maxamed Axmed Aadan kaas oo sheegay in tababarkan ay suxufiyiintu ka heli doonaan waaya aragnimo. Waxaanu ku booriyey ka soo qaybgalayaasha in laga rabo in dhanka wanaagsan ay ka eegtaan wararka maadaamo oo doorashooyin dalka ku soo fool-leeyihiin, isla markaana Suxufiyiintu ay wararka ka istaagaan ama ka tabiyaan dhinaca saxda ah. Gabagabadii Tababarkan waxa halkaasi ka hadashay Anita oo ka socotay hay’adda UNSOM oo iyadu qayb ka ahayd tababarkan gacana ka siisay ururka SOLJA.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here