Wasiirka Madaxtooyada oo Meesha Ka Saaray Madmadaw Xisbigoodu Geliyo Doorasha Madaxtooyada

0
432

Ceerigaabo(Xogsoor Meida.Net):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa meesha ka saaray in ay doorashada wax faro galin ah ay ku yeelanayaan Xukuumad ahaan iyo ka sibi Kulmiye ahaanba waxaanu caddeeyay in ay dhankooda diyaar u yihiin in doorasho  xor iyo xalaal ahi in ay dalka ka qabsoonto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala guurka oo uu sheegay in aanay cidna ku wareejinayn.

“Annagu waxaanu nahay xisbigii tallada hayey, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jiraa maalmihii u dambeeyey,waxa aannu leeyahay qarankan nabadgalyo ayaanu ka doonaynaa, waxaanu ka doonaynaa in si nabad ah lagu codeeyo, doorasho xor iyo xalaal ah ayaannu balan qaadaynaa, doorashadana shiidigeeda ma hayno waxa haya guddida doorashooyinka qaranka.”

“ Madaxweynuhu wuxuu masuul ka yahay guud ahaan habsami u socodka hawlaha qaranka, maamulka iyo gacan ku haynta amniga. Amniga iyo maamulkiisana u wareejin mayno masuuliyadaa cid kale madaxweyne SIilaanyo ayaa iska leh, cidina lama wadaagto, waxaanu maqlaynay haloo wareejiyo guddida doorashooyinka qaranka, xeer ugub ahna samayn mayno qaranku hore ayuu u soo jiray. Doorashadii u horaysayna maaha, wuu soo tartamay qaranku.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay oday dhex ah oo aan tarmaynin waxaanu yidhi “ Madaxweyne Siilaanyo maanta waa oday aan tartamayn, Madaxweynayaal tartamaya ayaa halkan ka soo taliyey oo ciidamada maamula, oo lacagta maamula oo inta la tartamay, hadana laga helay doorashadii, laakiin maanta ragga tartamayaa midna gacanta kuma hayo, Madaxweynaha qaranka Somaliland waa taliyaha guud ee ciidamahada qaranka isaga ayaa amniga maamula, masuuliyadaasna waa u dhex, marka uu masuuliyadaa gudanaya ummaddana waa u dhex, xisbiyadana waa u dhex, ragayaga gacanyareyaasha ahina siyaasadaas ayaannu ku shaqynaynaa, dhex baanu ummadda markaa u nahay, marka kalena dhinac ayaannu nahay oo raggaa is haya ee fardaha leedada saaran baanu ka mid nahay, ee codka kala boobaya, iskagama kaayo khaldana, waxaan ku soo ururinayaa bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo  ka hadlayey gunaanadka shir beelaha Beelaha Biciide Yoonis Iyo Buraale Yoonis ee beesha Habarjeclo ay ku lahaayeen deegaanka Dooxa Dagaar ee gobolka Sanaag

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here