Madaxweyne Siilaanyo oo Masuul Iska Casilay Xukuumaddiisa Jawaab Raagtay Kaga Diiday Laba Degmo oo Cusubna Magacaabay

0
421

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa jawaab  soo raagtay kaga diiday masuul xukuumaddiisa ka tirsanaa oo 19-kii bishii hore iska casilay xilkii uu Madaxweynuhu u igmaday isla markaana laba degmo oo cusub magacaabay oo ka kala tirsan gobolada Togdheer iyo Sool.

Madaxweynaha Somaliland waxaa uu is-casilaaddii uu warbaahinta ka sheegay ka diiday Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Cali Xasan oo laba todobaad ka hor sheegay in uu isla casilay xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo masuulkan u sheegay in uu ka diiday is-casilaaddiisa loona haabah yahay in uu shaqadiisii halkii ka sii wato siina kordhiyo shaqadiisa oo uu ku ammaanay.

Waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan  yahay afhayeenaka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige(Xuseen Dayr) oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada.

War-saxaafadeedka oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan.

 

 

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5053/102017 uu ku magacaabay laba degmo oo kala ah, Nasiye iyo bohol. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu istiqaaladii ka diiday gudoomiyihii gobolka Hawd.

 

  • Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degmooyin cusub;

 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

  1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

2 In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

 

  • Ujeeddo: Diidmo Iscasilaad

 

Ku:      Mudane, Ibraahim Xaaji Cali Xasan,

Guddoomiyaha Gobolka Hawd                                                               Balligubadle

 

Mudane Guddoomiye,

 

Anigoo tix-raacaya go’aankaaga aad warbaahinta ku baahisay oo ku saabsan  istiqaaladda Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee aad iska-casishay.

 

Haddaba Guddoomiye, ugu horreyn waxaan aad kuugu mahadinayaa xilkasnimada aad muujisay muddadii xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd aad haysay. Sidaa darteed, waxaan kula socodsiinayaa in aan kaa diiday istiqaalada aad  xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

 

Waxaan kuu rajaynayaa in aad si hufan u gudato waajibaadka Qaran ee laguu xil saaray, isla markaana aad si laban-laabto dedaalka iyo doorka weyn ee aad ka qabatay Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here