Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wariye Siciid Faarax Muuse oo socdaal kooban ku tegay caasimadda Soomaaliya ee sanqadha qaraxa iyo dhiiga la mataanaha ah,ayaa mudadii gaabnayd ee uu joogay waxyaabihii uu ku soo arkay iyo dhaqanada ka jira magaalada Muqdisho wuxuu kaga dareen celiyay oo uu kaga hadlay qormo kooban oo uu ka diyaariyay,qoraalka Wariye Siciid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xogsoor Media.Net ayaa u qornaa oo uu ku bikaabay sidan.
“Muqdisho waa magaalo cimilo ahaa kulayl uu huur ku jiro ah waxaana marta badweynta Hindiya Sahan la saameyey 2015 kii waxaa kasoo baxday in magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ay ku nool yihiin dadka lagu qaderay 2.5million.
Marka aad kasoo gasho albaabka dhinaca cirka ee Madaarka loo yaqaan waxa ay indhahaygu qabanteen fadhiisimo Ciidan oo laga sameeyey xataa wadada laamiga ah ee madaarka ka timaada waxaanan aminay inay ay tahay furin dagaal, balse markii aan gudaha u galay waa muqaal ka duwan waa nolol caadiya iyo goobo ganacsi oo si fiican u shaqaynayaa inta ka horaysa 5 galabnimo .inta badan
wadooyinka waxaa taagan ciidanka nabad sugidda oo gadiidka ku baadha . waxaa jira qaraxyo , dilal qorshaysan iyo isku dhac ciidan oo mararka qaar ka dhaca kuwaas oo galaaftay nolosha kumanan Soomali ah .waxaanay ii sheegeen in ay kasoo kabanayso burburkii iyo dagaaladii rubuc qarniga ka socday .
Baaburta ugu badan ee magaalada ka dhex shaqeeya waa gadiidka nooca loo yaqaan Bajaajta iyo Basaska Caasiga ee Hoomeymad loo yaqaan .
Nolosha Maagalada Muqdisho waxa ay ka nolol qaalisan magaalada Hargeysa marka loo eego goobaha la seexdo , wax laga cuno iyo kiradda guryahaba Waxaanay sababtay in noloshu bulshadu noqoto laba dabaqadood gaar ahaan dabaqad sare iyo dabaqad hoose, iyada oo ay meesha ka sii baxayso dabaqadda dhexe oo ah tan dhaqaajisa horumarka dal iyo dhaqaalihiisa.
Hanaanka iyo haykalka maamul ayaa shaqeeya sagaalka subaxnimo ilaa afarta galabnimo oo ay indhahaagu qabanayaan shaqaale sagaalka subaxnimo jarmaadaaya .
Intaan arkay Dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaan ku mashquulin arrimaha Siyaasadda waxaanay taa bedelkeeda ku foogan yihiin falanqaynta ciyaaraha iyo haasawaha .
Goobaha ugu badan ee Caafimaadka ayaa lagu daaweya Xanuunadda ku dhaca Ilkaha oo inta badan bulshadu ka cabato waxaanay ii sheeg in ay ugu wacan tahay biyaha magaalada oo ah kuwa adag oo dhanaana iyo qaadka ama jaadka loo yaqaan miiroga.
Magaalada Muqdisho waa mid ku adag inay ka dhex muraadsadaan dadka qariiibka ah waxaanay ii sheeg een maahmaah maxaliya oo ah, Muraadka Xamar Muraayad baa ka xigta .
Safarkaygii waxaa iiga baxay in ay Dadka shacabka ahi qabatimeen in ay la noolaadaan duruufaha wakhtigu baday kuna rejo weyn yihiin in mar uun ay helaan Muqdisho Caasimadaha dunida nabadoon la mida .”
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland