Dawladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo Midba Dhankiisa Guulo ka Sheegtay Weerar Saaka Ka Dhacay Bariirre

0
541

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda dagaalka kula jirta ee Al-Shabaab,ayaa mid kastaa dhankiisa ku sheegtay guulo ay ka gaadheen weerar saaka kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen saldhig Millatari oo ciidanka Soomaaliya ay deggan yihiin oo ku yaalla Bariirre oo ka tirsan gobolka Sahabeelada Hoose.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya isla markaana ciidanka saldhigga la weeraray isagu taliye u ahaa oo lagu magacaabo  Janaraal Sheegow Axmed Cali,oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dhankooda ay ka dhinteen 12 askari halka uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dileen tiro intaa ka badan.

Waxaa kaloo uu sheegay in weerar lagaga soo qaaday sadex jiho  xerada ay degganaayeen isla markaana ay iska caabbiyeen.

“Saaka aroortii, seddax meel ayey naga soo galeen; dhinaca wobiga; dhinaca Koonfur iyo dhanka waqooyi. Ka dib way naga jabeen ka dib markii dharbaaxo culus ay ku dhacday, illaa maydkooda aan meesha dhignay”, ayuu yidhi

Waxaa kale oo uu beeniyay in kooxda Al-Shabaab ay weerarkaas ku gacan sarraysay oo ay ka dishay askar tidadoodu dhaafayso 30 oo ay sheegatay Al-Shabaab iyo in ay halkaa ka kaxaysatay gaadiid dagaal o ay ciidanka dawladda ka wabsatay.

 

“Baabuurta waxay ahaayeen kuwa qaar kood ay haleysnaayeen, oo difaaca yaalay, oo baasuuko uu ku dhacay. Gawaarida way cuslaayeen, mid ay qarxiyeen iyo seddax kale; afar gaari baan ogahay hadda”, ayuu yidhi Janaraal Sheegow.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa geestooda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Barriirre in ay ku dileen askar badan oo ka tirsan Ciidanka dawladda Soomaaliya isla markaana ay halkaa ku qabsadeen gaadiid dagaal o kala duwan oo ay leedahay dawladdu

Ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya xaddiga qasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac.

 

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here