Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo Midawga Afrika oo ka wada Hadlay Shilalka ay Geystaan Ciidanka AMISOM

0
379

Muqdisho (Xogsoor Media.Net): – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duga caasimadda Soomaaliya ee Muqdishi Thaabit Cabdi Maxamed,ayaa Midawga Afrika kala hadlay shilalka ay geystaan ciidanka AMISOM ee ka socda Midawga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ee AMISOM oo marar badan ay dhacdo dhibaatooyin dhimashi iyo dhaawac sababa  u geysta dad rayid ah  gudaha Soomaaliya.

Wefdi uu hogaaminayo  Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle. Oo uu kula kulmay xafiiskiisa Muqdisho waxaa kale oo ay ka wada hadleen labada dhinac xasilinta caasimadda Soomaaliya iyo sidii loo xakamayn lahaa ciidanka AMISOM isla markaana dhaq dhaqaaqooda gudaha caasimaddu uu u noqon lahaa mid ay ku wada shaqaynyaan Maamulka Gobolka Baanaadir.

 

Waxaa kale oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sheegay in ay ka wada Hadleen sidii Ciidanka AMISOM uga guuri lahaayeen Muqdisho Stadium.

Waxaanu intaa ku daray in guddi labada dhinac ah loo saarayo sidii ciidanka AMISOM uga guuri lahaayeen Muqdisho Stadium oo uu sheegay in ay aad ugu baahan yihiin loona baahan yahay in deg deg loogu soo wareejiyo.

Ciidanka AMISOM,ayaa marar badan shilal dhimasho iyo daawac sababay oo au u geysteen dad rayid ahi waxay sababeen in deegaano ka mid ah Soomaaliya ay ka dhacaan dibad baxyo lagaga soo horjeedo dhibaatooyinka dhimashada leh ee ay ciidanka Midawga Afrika ee Soomaaliya ku sugani ay u geystaan dadka rayidka ah.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here