“Xisbiga WADDANI siduu wax u wadaa wax loo dulqaadan karo maaha rabshaduna waxay ka bilaabantay markii ay Xafiiska Xisbiga KULMIYE Baabuur ku jareen ee ay iyagu doonteen.” Wasiir Faratoon Waraysi gaar ah
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa ka hadlay koox dablay ah oo maandooriyaha Khamriga ka ganacsanayay oo askari boolis ah ku dilay gobolka Sool iyo shaqaaqo ka dhalatay socdaal Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu ku tegay gobolka Awdal oo markii ay degmada Dila gaadheen ku kacay falal amni darro kuna beegsadeen xafiiska Xisbiga KULMIYE oo sababtay dhimashada wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday xabbad boolisku riday.
Wasiir Faratoon waxaa uu si adag uga hadlay in aan loo dul qaadan karin in Xisbi qaran oo tartan doorashada Madaxtooyada ugu jira in uu ku koco falal amni darro ah oo uu dalka galiyo xaalad nabad gelyada lid ku ah taasoo uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu ka sameeyay gobolo badan.
Waxaanu intaa ku daray in sharciga la marin doono ciddii sababtay rabshadaha degmada Dila ka dhacay ee sababay dhimashada wiilka ku geeriyooday dorraad,waxaanu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay wiilka dhintay oo algu macagaabi jiray Mukhtaar Ibraahin Ismaaciil.
.Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland,ayaa arrimahan kaga kadlay waraysi gaar ah oo uu khadka Taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan,ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dilka askari boolis ah oo ka dhacay gobolka Sool habeen sadexaadkii, ayaa yidhi. “ Barkaantarool oo ay joogeen ciidanka boolisku ayay ku joojiyeen gaadhi ay wateen niman budhcad ah oo khamri ay ka ganacsanayeen baabuurka ku watay iyadoo ay ciidanku ogaayeen in ay maandooriyaha Khamriga ah ay gaadhiga ku sidaan markii ay joojiyeena kooxdan oo hubaysnayd ayaa ciidankii deg deg rasaas ugu bilaabay halkaana askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa ku geeriyooday nimankii daroogada ka ganacsanayayna way baxsadeen walina waa lagu daba jiraa laakiin ciidanka boolisku waxay soo qabteen illaa 8 nin oo lagu soo qabtay tuulada Xidh-xidh oo aan kuwii falka geystay ahayn isla markaana la soo qabtay iyagoo hubaysan laguna tuhunsan yahay in ay kooxda falka dilka askariga geysatay in ay caawinayeen oo ay ka gacan siiyeen in ay baxdasaan markii ay tuulada lagu soo qabtay ay gaadheen. Iyagiina waa lagu daba jiraa, deegaanada bariga dalkana waxaa aad ugu badan oo dhibaato wayn ku haya maandooriyaha Khamriga oo meelo kala duwan oo badan tuugo lagaga soo geliyo taasoo ay ciidanka booliska iyo Millatariguba aad ula dagaalamaan kuna hawlan yihiin in ay daroogada dadka ka badbaadiyaan taana waxaa sii kordhiyay qaadkii oo isna aan jirin markaa dhibaato aan la dagaalanka daroogada ahayni maanta bari kama jirto waanan la dagaalamaynaa cidkasta oo lagu qabtana sharciga ayaa la marinayaa.”
Wasiir Faratoon oo la waydiiyay siduu u dhacay dilka wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday xabad ciidanka boolisku ay rideen shaqaaqo ka dhacday degmada Dila xilli magaaladaas uu marayay wefti ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa ku jawaabay. “Xisbiga WADDANI oo socdaal ku tegay gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay magaalada Dila wuxuu ku kacay falal amni darro oo anshaxa iyo dhaqanka wanaagsanba ka baxsan siyaasad ahaana qalad ah oo dhibaato dhimashada hal qof sababtay ka dib markii ay degmada Dila gaadheen ayay si toos ah u abbaareen xafiiskii Xisbiga KULMIYE ee magaalada oo ay hortiisa baabuurtii ku jareen oo ay taagerayaashoodii oo isugu jira dad Hargeysa ka tegay kuwo Boorama ka yimi iyo qaar ka mid ah dadkii magaalada ee Xisbigoodu isugu tageen xafiiskii KULMIYE hortiisa taasina waxay sababtay in ay isku dhacaan dhallinyaradii labada xisbi kala taageersanaa iyadoo loo hanjabay oo la habdaday dadkii joogay xafiiska Xisbiga KULMIYE markii uu halkaa ka bilaabmay isku dhicii uu Xisbiga WADDANI sababay ciidanka boolisku waxay gurmad ku tageen goobta iyagoo ka hor tegayay in qasaare halkaa ka dhoco rasaas ay kor u ridayeen oo ay dadka ku kala kaxaynayeen ayaa nin dhallinyaro ku dhacday wiilkaasina wuu dhntay qoyskii uu ka baxayna waan ka tacsiyaynaynaa ka dawlad ahaanna kiiskaasi mid laga hadhayo maaha baadhistiisiina way socotaa ciddii masuuliyaas yeelaana sharciga ayaa la marin doonaa, Xisbiga Waddani xafiisbuu ku leeyahay magaalada cid u diiday iyo cid buuq ula tagtay midna may jirin manay dhicin wali in KULMIYE iyo UCID ay weeraraan iyagoo wefti ah xafiis Xisbi kale leeyahay,laakiin tallaabooyinka nabad gelyo darada ah ee xisbiga Waddani uu ku dhaqmayo ee oo gobolo kale oo badanna ka soo sameeyay oo ay Burco ka mid tahay wax loo dul qaadan karo maaha xadkoodiina way soo dhaafeen Burco waxay ka sameeyeen waa la wada ogaa oo illaa Xaruntii Dawladda Hoose ayay calamadoodii ku xidheen.”
Wasiirka oo la waydiiyay xisbiga WADDANI in iasgu uu ka cabanayo dawladda oo uu leeyahay culays ayay na saaraysaa iyo in uu xafiisyo xisbi kale rabshad ka sameeyo siday isu qabanayso,ayaa ku jawaabay. “waa wax lala yaabo sibaayaha uu u dhaqmayo Xisbiga WADDANI ee uu magaalooyin badan ka soo sameeyay ee kuu markasta ku weerarayo xafiisyada xisbiga KULMIYE taasoo Burco ka dhacday Dilana ka dhacday oo sababtay dhimashada wiil dhallinyaro ah markaa dhaqanadan gacan ka hadalka ah ee xisbiga Waddani ma garanayo in ay siyaasad ka tahay iyo in ay tahay anshax xumo taageerayaashiisa ka timi laakiin waxaan u sheegaynaa in aanay dawladdu mar dambe uga dulqaadan doonin tallaabiiyinkiisa nabad gelyada lidka ku ah ee soo noqnoqday. Xaq buu u leeyahay Xisbigu in uu safari dalka ku maro iyo in uu xafiisyadiisa shirar ku qabsadaba laakiin laga yeeli maayo wax kasta oo nabad gelyada qaranka lid ku ah tan dilka wiilka dhallinyarada ah sababtay baadhisteedii way socotaa wax aan WADDANI sabab u ahayna kamay dhicin degmada Dila.”
Xigasho Wargayska Dawan
Xogsoor Media.Net