Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,ayaa Xukuumadda ka difaacay eedo uga yimi madaxda Xisbiga WADDANI oo ku eedeeyay in ay Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ay leeyihiin masuuliyadda dil ka dhacay degmada Dila oo ciidanka Boolisku ay rasaas nool u adeegsadeen dad isugu soo baxay soo dhawaynta wefti Xisbiga Waddani ah oo degmada tegay una dhaafayay Boorama iyo taageerayaal KULMIYE ah oo isku dhacay.
Haddaba halkan ka daawo warka wasiirka oo dhammaystiran.