Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa Maanta Shaaciyay in Maalinta Bari Ah ay dhamaan shaqaalaha dawladda Somaliland fasax ka yihiin Shaqooyinkoodii.
Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Haay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakada wararka ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
“Wargelin Fasax Sannadka Cusub ee Islaamka 01/01/1439 -Hay’adda Shaqaalaha dawladu iyadoo tixraacaysa xeerka shaqaalaha dawlada waxay berito oo ku beegan Khamiis taariikhduna tahay 21/09/2017 Iclaaminaysaa in ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladu ka nasan doonnaan maalin hawleedkoodii shaqo iyadoo ku beegan bilowga sannadka cusub ee Islaamka
Shaqaalaha Dawladda ayaa shaqada qaranka ku soo laaban doonna maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 23/09/2017 hadii Alle Idmo – Tirsiga taariikhda Islaamiga ayaa ah mid laga soo taxay maalintii Nabigeenii Muxamed N.N.K.H uu kasoo socdaalay “Hijrooday” Makka isagoona u soo boqoolay Maddina, halkaas oo uu hiil iyo hoy wanaagsan ka helay –
Dhamaan shaqaalaha dawlada waxaan u rajaynayaa nolol cizi iyo caafimaad le iyo aakhiro darajo iyo dembi dhaaf le, waxaanan ugu hambalyeynayaa hawsha adag ee ay hagar la’aanta u hayaan. – Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Gudoomiye-ku-xigeenka, guddida sare ee hay’adda shaqaalaha iyo hawl-wadeenada Hay’adda shaqaalaha dawladu waxay shaqaalaha dawlada u rajaynayaan shaqo sharaf le iyo qaran qurux badan. – Kii noo haggaagee noqo loo hayn wayn yahay Wa Bilaahi Tawfiiq Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Ofice