Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya oo ka Hadlay Hanjabaado uu Sheegay In Ay Ka So Gaadheen Xisbiga Madaxweynaha Natiijadii Guushiisa Ay Laaleen

0
354

Nairobi(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya David Maraga,ayaa sheegay in  ay soo gaadhayaan hanjabaado ka imanaya dad taageersan Madaxweynaha Kenya Uhuru  iyo Siyaasiyiin ka tirsan xisbigiisa oo sheegay in ay cashar u dhigi doonaan waxaanu intaa ku daray in aanay xaqa sheegistisa in aanay marnaba uga waabanayn caga juglayn soo gaadha.

Waxaa kale oo uu inaa raaciyay in wixii soo gaadha bahda garsoorka iyo qoysaskoodaba in ay masuuliadeeda yeelan doonaan dadka u hanjabaya oo ay ku jiraan siyaasyiin xisbiga talada haya ka tirsan.

Waxaanu sidaa sheegay maanta waxyar ka dib markii dad taageerayaasha Madaxweyne Uhuru ka tirsani ay muddaharaad la hor tageen Maxkamadda Sare oo ay ku eedeeyeen in ay guul darro ka dhigtay guushii xisbigoodu uu gaadhay oo ay beenisay doorashadii dalka Kenya ka dhacday  dhawaan

Waxaanu eedeeyay taliyaha booliska Kenya oo uu sheegay in uu iska dhego mariyay in uu wax ka qabto hanjabaado badan oo ay gaadhsiiyeen in loogu handaday.”Xaakimiinta maxkamadda sare iyo dadka ka shaqeeya garsoorka ayaa la weeraray, waa la handaday, si qaldan ayaana baraha bulshada loogu bahdilay, siyaasiyiin sarsare ayaana ka sheegay hadalo aad u qaldan, waxayna sheegeen in ay cashar noo dhigi doonaan” ayuu yidhi xaakimka oo eedeyn u jeediyay taliyaha booliiska Joseph Boinnet oo uu sheegay in uu iska dhego mariyay wargalin badan oo ay ku wargaliyeen dhibaatooyin loo geysanayo garsoorka.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here