Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland,ayaa ku qabtay caasimadda Hargeysa kulan lagaga doodayay anshaxa saxaafaddu ku gudbin doonto wararka Xisbiyada wakhtiga Doorashooyinka.
Kulankan oo ay ka so qayb galeen Madaxda Gudga Doorashooyinka Somaliland,Wasiirka Warfaafinta madaxda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo wariyeyaal ka kala hawl gala warbaahinta kala duwan,ayaa lagaga dooday sida ugu wanaagsan ee warbaahinu dhex ugu noqon karto xilliga Doorashada iyo ololaha asxaabta qaranka isla markaana ay uga fogaan lahaayeen wax kasta oo keeni kara fidno iyo shaki abuur.
Waxaa kale oo laga dooday in wixii arrimaha doorashooyinka quseeya laga qaadan karo oo keliya gudiga doorashooyinka qaranka.
Haddaba warkaas oo dhammaystira n halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland