Manchester United ayaa guul raaxo leh Old Traffrod ku bilawday tartanka Champions Leaque ee ay dib ugu soo noqotay xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kooxdii martida u ahayd ee FC Basel iaali kari wayday in ay eberka iska hal gool ku bedesho.
Mourinho ayaa guushiisii ugu horraysay ee Champions Leaque la gaadhay Manchester United kadib markii guul ka soo hooyay Europa Leaque ay sabab u noqotay in uu kooxda dib ugu soo celiyo xilli ciyaareedkan in ay ka qayb gasho horyaalka Kooxaha Yurub ee Champions Leaque.
Marouane Fellaini ayaa badal ciyaarta ku soo galay si uu booskii Paul Pogba uu ka dhaawacmay u buuxiyo wuxuuna xidiga ree Belgium dhaliyay goolka ay United ku jabisay iska caabintii Basel laakiin qaybtii danbe ee kulankan Romelu Lukaku iyo Marcus Rashfrod ayaa goolashoodii ugu horeeyay ee Champions Leaque u dhaliyay Man United.
Manchester United ayaa awooday in ay sii joogtaysay rekoodhkeeda cajiibka ah ee tartamada Yurub ee Old Trafford iyada oo kulankii 19 aad oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah kula kulmin garoonkeeda kulan tartamada Yurub ah.
DAQIIQADII 19 AAD waxaa soo dhamaaday waqtigii kabtankii kulankan ee Paul Pogba kadib markii uu isku dayay in uu kubbad dib ugu guulaysto laakiin xidiga ree France ayuu soo gaadhay dhaawac muruqa ahi taas oo soo gabagabaysay daqiiqadihii uu kabtanka u ahaa kooxdiisa Red Devils waxaana kaydka looga yeedhay xidiga uu Mourinho sida ayna dadku aamini karin ugu kalsoon yahay ee Marouane Fellaini kaas oo saamayn dhab ah ciyaarta ku sameeyay.
DAQIIQADII 23 AAD Man United ayaa ugu dhawaan heshay goolkeeda furitaanka kadib markii Mkhitaryan laga beeniyay fursad loo qaatay goolka furitaanka kulankan laakiin Man United ayaa sii waday in ay si xoogan u raadiso goolka furitaanka.
DAQIIQADII 35 AAD Marouane Fellaini ayaa kooxdiisa Man United u dhaliyay goolka furitaanka ee sida wayn Old Traffrod looga sugayay isaga oo si fiican u dhamaystiray karoos fiican oo uu ka helay xidiga dhaawac ka soo laabtay ee Ashley Young, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay United hogaanka ciyaarta ku qabtay.
Basel ayaa ku fashilantay in ay wax gool ah la timaado qaybtii hore ee ciyaarta taas oo Man United siisay fursada ay waqtigii nashada ugu baxday iyada oo hogaanka ciyaarta ku haysay goolka uu Marouane Fellaini u saxiixay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester United ayaa sii xoojisay natiijada ciyaarta ee ay guusha ugu taagnayd iyada oo aan Basel wax fursad ay ku soo laabto siin.
DAQIIQADII 53 AAD Romelu Lukaku ayaa magiciisa ku qoray goolkiisii ugu horeeyay ee Champions Leaque ee uu Manchester United udhaliyo kadib markii uu si qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Daley Blind, wuxuuna goolkani kalsooni wayn siiyay Red Devils. Waxay markan ciyaartu noqotay mid ay Man United maamulkeedi si buuxda gacanta ugu qabtay.
DAQIIQADII 84 aad da’yarka kulan kasta oo uu ka soo muuqday goolkiisa ugu horeeyay ka soo dhaliyay ee Marcus Rashfrod ayaa ciyaarta hurdada ugu diray goolka saddexaad ee Man United si uu Mourinho iyo kooxdiisa ugu xaqiijiyo guushii ugu horaysay ee Champions leaque ee xili ciyaareedkan waxayan ciyaartu noqotay 3-0 ay United ku dubanayso FC Basel.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Man United guul raaxo leh ku gaadhay isla markaana ay dhinac isakga dhigtay kooxda FC Basel. Man United ayaa muujisay sida ay meel fiican uga gaadhi karto Champions Leaque inkasta oo ay wali bilaw tahay.