Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay kulan Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay 7 Xubnood ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka,kulankaas oo ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland,ayay xubnaha Gudiga Doorashooyinku Madaxweynaga xog warran ka siiyeen hawlaha u qabsoomay iyo siday u gudo gelayaan kuwa u yaalla ee bud-dhigga u ah qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto bil ka dib.
War-saxaafadeed ka soo baxay qarsiga Madaxooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay kulanka ay wada yeesheen Gudiga Doorashooyinka Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan.
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diiwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la’aanta ee ay Xukuumadiisu hiil, hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha u sheegeen inay iyaga komishan ahaan ka go’an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.
KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland