“Haddaynu daaro dhaadheer dhisano waddooyinna samaysano oo aynaan biyo mareeno u samayn daad baa inna qaadi doona.” Oday Jaamac Muuse
“Waddooyinkii ayaa la wada degay iyo halkii biyuhu mari lahaayeen meheraduhuna qashinka ayay soo raaciyaan biyaha.” Wade Gaadhi Axmed Cali
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Roobab aad loogu qabawsaday oo ka da’ayay habeenadii ugu dambeeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa yaa badka soo dhigay oo dibeda u soo saaray dhaliilo badan oo is barkan oo ay leedahay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.
Dhaliilaha dawladda Hoose ay roobabka habeenadii ugu dambeeyay ku soo saareen ayaa ahaa kuwo si yar oo fudud isla markii dorraad fiidkii uu hooray roobku taasoo ahayd in isla markiiba ay istaageen oo uu hakad galay isu socodkii gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka Hargeysa.
Waxaa kale oo markiisa dadku dareemeen in dawladda hoose ee Hargaysa ay qorshe la,aan ku dhistay waddooyinka ay samaysay ee lacagta badani gashay oo aan looba samayn hannaan biyo mareeno ah taasoo dhalisay in waddooyinkii magaalada laga hirgaliyay in ay isu rogaan togag daadad ku soo rogmanayaan oo aan la miari karin.
Qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa oo xilligii roobabkaasi ay ka da’ayeen mgaalada Hargeysa oo isugu jiray dad lugaynayay oo roobka ka jirsanayay qofba meeshii ugu dhawayd iyo wadayaal gaadiid oo u waramay degalka wararka ee Xogsoor Media.Net,ayaa aragtiyo kala duwan ka bixyay isla markaana dhaliilo u soo kala jeediyay dadka suuqa weyn ee waaheen ku ganacsada,dawladda hoose ee Hargeysa.
Waxaa kale oo ay dadkaa kala duwan ee wax laga waydiiyay ay sheegeen in ay jirto dhibaato kale oo ha in aan magaalada loo samayn hannaan biyo mareen oo sahli kara in biyuhu ay helaan laago ama iliilado waddooyinka hareer mara oo ay si aan hakad lahayn ay u maraan iyo waliba dadka meheradaha ku haysta suuqyada oo lagu eedeeyay in ay xilliga roobka biyaha socda soo raaciyaan qashin aad u tiro badan oo ay si yar oo fudud iskaga qaadi kari lahaayeen.
“Haddaynu daaro dhaadheer dhisano waddooyinna samaysano oo aynaan biyo mareeno u samayn daad baa inna qaadi doona caasimaddu waa magaalo buurolay u badan oo taagag kala sarreeya leh oo biyo badani ay ka soo rogmadaan waxaa kale oo biyaha sii laban laabay dhismayaashan faraha badan ee aan mid kaliyi lahayn berkado majaroor oo ay biyaha cirka ku kaydiyaan innagoo biyo la’aan maalin kasta ka cabana ayaanay guryaheenu lahayn majaroor biyaha roobka lagaga dhaansan karo, haddaynaan biyaha cirka u samayn meel ay maraan caasimad ahaan mayso ee daad baa inala tegi doona” ayuu yidhi Oday Jaamac Muuse oo aanu kula kulanay inshaarada baabuurta kala hagta ee badhtamaha suuqa waaheen xilli roobku da,ayay isla markaana waddooyinku ay u xidhmeen daad badan oo ku soo rogmaday
Dhinaca kale waxaa isna ka dareen celiyay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta dadweynaha oo xilligaas hakad ay galiyeen cidhiidhiga baabuurta isku soo gaadhay isgoyska gawaadhida suuqa ka tagtaa dhacdo wadada laamiga ah ee isku xidha Biriishka weyn iyo saldhigga dhexe halkaas oo ay ku taallo lag xoog weyn oo biyo mareen ah dirawalkan oo lagu magacaabo Axmed Cali oo ka hadlaya xilli roobaadka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadka suuqa ku ganacsada ayaa yidhi “Waddooyinkii ayaa la wada degay iyo halkii biyuhu mari lahaayeen oo guri kasta oo meherad ah oo suuqa ku yaallaa wuxuu sii hor degay guriga oo uu ka sameeyay meherad guriga leeg markaasaa hadana hortiisa la sii kireeyay taasina waxay keentay in waddooyinkii ay cidhiidhi noqdaan oo gaadiidkii iyo dadkiiba ay isugu yimaadaan halka taayirku marayo waxaa kale oo taa dheer biyihii ayaa la wada xidhay meelihii ay mari lahaayeen iyadoo aan waddooyinkana loo samayn hannaan biyo mareen ah dhibaatada kale ee jirtaa waxay tahay biyuhu hadday six or ah u socdaan arkiiba dooxa weyn ayay ku dhici lahaayeen laakiin waxaa hakad sii galiya dhammaan dadka suuqa ku ganacsadaa waxay biyaha soo raaciyaan qashinka qashinkaas oo isna biyaa sii joojiya mararka qaar ayay biyaha isku soo gaadhaan qashin xad dhaaf ah oo aanay qaadi karayninba oo biyaha waddooyinka ku joojiya.markaa waxyaabahaas oo dhan oo qaldan ayaa loo baahan yahay in la saxo.”
Waxaa kale oo jira dad kale oo dhibaato ka sheeganayay dadka wadayaasha baabuurta oo ay sheegeen in ay si masuuliyad darro ah in ay waddooyinka xilliga roobka u dhex maraan oo ay dadka biyaha ku saydhiyaan.
“Marka roobku da’o waxaa ugu daran ee aan magaalada loo dhex mari karin waa baabuurta oo aan si masuuliyadi ku jirto u socon oo biyihii wadada marayay dadka ku saydhinaya iyadoo lagaba yaabo in adoo u socda masaajidka in ay biyo aanad garanayn in ay qashin iyo nijaas wadaan iyo in ay daahir yihiin in ay kugu saydhiyaan ka dib markay xawaare xoog ah ku maraan wadada oo biyo socdaan.” Ayay tidhi gabadh ka mid ah dadweyhana aanu kula kulanay xilligii uu shalay roobku da’ayay suuqa weyn ee waaheen ee caasimadda Hargeysa.
Mid ka mid ah dadka ku ganacsada suuqa waaheen ee badhtamaha Hargeysa oo ah dadka wax ku dul iibiya kaariyooneyaasha oo aanu waydiinay sababta uu wadada ugu ganacsanayo ee uu cidhiidhiga u galiyay baabuurta,ayaa yidhi. “Horta dadkayaga waddooyinka ku ganacsadaa waxaanu nahay dadka keliya ee dhibaatada ku qaba waddada aanu wax ku iibinayno,dhibaatooyinka aanu ku qabnana waxaa ka mid ah in marba dhan naloo eryado oo tuugtu naga xado alaab badan waxaanu nahay canshuur bixiyeyaal ay dawladda Hoose ee Hargaysa subax kasta ka qaado canshuurta maalinlaha ah taasoo wiilasha canshuur uruuriyeyaasha ahi ay nagu soo kalahaan oo markay dadka waddooyinka hareeraheeda ku ganacsada canshuurta ay ka uruuriyaan ayay hadana isla dawladda hoose nagu soo fasaxdaa ciidanka booliska ee dawladda hoose waxaanay noo geystaan tacadiyo badan oo alaabtayda way iska qaataan qofkii ay gaadhaan ee ay alaabtiisa qaataana wixii ay ka saareen gaadhiga hadhaw ma soo helo beryihii hore alaabta wuxuunbaa laga soo heli jiray ganaaxna waa nalaga qaadi jiray laakiin imika mooyaan meel ay geeyaan. Taa waxa noo raacda markaanu ka yaacno booliska in alaabtu naga qubato oo tuugtu ay gurato oo na xado,waxaanu diyaar u nahay in aanu waddooyinka banayno laakiin dawladda hoose suuq hana dejiso oo meel ha noo samayso.”ayuu yidhi Siciid Cali Ismaaciil (Siciid Shiine) oo ka mid ah dhallinayada alaabooyinka kala duwan ku dul iibiya kaariyooneyaasha ee waddooyinka ku ganacsada.
Faarax Muuse Cali oo dhaliisha ugu wayn u soo jeediyay dawladda Hoose ayaa sheegay in aqoon darro badani ay ka muuqato qaabka ay u shaqayso dawladda Hoose ee Hargeysa taasoo uu ku sababeeyay waddooyinka aan biyo mareenka lahayn ee ay lacagta badan galiyaan ee ay dhisaan oo uu sheegay in ay sabab u tahay hakadka gaadiidka ku yimi habeenadii la soo dhaafay roobabkii koobnaa ee magaalada ku hooray. “dawladda hoose ee caasimadda aqoon darada ay ku shaqeeyaan ayuu ina tusay roobabkii labadii habeen ee ugu dambeeyay caasimadda ka da’ayay oo ahaa waliba roobab aan waynayn oo yar isla markaana aan wax dabayl iyo duufaan ah aan midna lahayn taasoo ah in waddo keliya oo ay biyo mareen u sameeyeen oo aan jirin iyo waddooyinkii oo wada noqday togag biyo mareeno ah taasoo laba dhanba dhibaato ku ah marka koobaad waddadu noqon mayso mid sii jirta haddaanay biyo mareen daadka ka qabta lahayn, ta labaadna isu socod jiri maayo haddii roob yari magaalada helo intay waddooyinkeenu dooxyo noqonayaan markii dhibicu innagu hoorana.”
Ugu dambayn roobkan oo muddo yar oo aan saacad gaadhayn da’ayay ayaa kala xidhay isla markaana hakad galiyay isu socodka gaadiidka taasoo ay sabab u ahayd waddooyinka badhtamaha magaalada oo daadad ka soo rogmaday qaybaha kala duwan ee magaaladu uu soo maray taasoo caasimadda ku ah dhinaato haddii sidan lagu sii jirana sababi karta in xilliyada roobabku da’ayaan in ay kala go’oonto magaaladu iyadoo halista kale ee taa ku lammaanina ay tahay guud ahaan xadhkaha laydhka ee magaalda dul wadhan oo halsitooda leh xilli roobaadka.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland