Hargeysa(Xogsoor Media.net ):- Maamulka Sare ee shirkada Dp World ee la wareegay gacan ku haynta dekeda Berbera,ayaa soo saartay dhawr qodob oo amaro ah isla markaana ay farayso shaqaalaha dekeda Berbera,wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada iyo cid kaste oo marti ah oo soo galaysa dekeda oo ay dani kaga xidhan tahay.
Waxaana amaradan oo dhawr qodob ka kooban ay shirkadu ka dhawaajisay inay hirgaliyaan fulintoodu 1-dii bishan aynu ku guda jirno,iyada oo amaradaasina ay ka biyo diideen shalay oo ay mudaharaad salmi ah ka dhigeen barxada dekeda Berbera mukhalasiinta dekeda Berbera ee ka cashuura badeecadaha iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada,kuwaas oo ka dhawaajiyey sida wararku Berbera nagaga soo gaadhayaan inaaan suuro gal ahayn qodobadan amarada ah ee shirkada Dp World soo saartay,waxaana ay shalay sida wararku nagu soo gaadhayaan ay sameeyeen shaqo joojin.
Waxaana shalay ay ciidamada ilaalada dekedu ay celinayeen cidii aan fulin qodobadan ay soo saartay shirkadu ee ay amartay in la raaco.
qodobadan ay shirkaddu soo saartay ayaa waxay dhigayaan oo ku jira kuwan hoos ku qoran.
1) In Shaqaalaha Dekeda iyo dadka soo booqanayaa ay xidhaan dharka Badbaadada sida Kabo Qadh ah, Maryo difaac leh oo ah kuwa dhalaala ee badanaa ay xidhaan ciidamada Ilaalada wadooyinku
2) In gaadhiga Xamuulka qaada uu dekeda lagali karo oo kaliya wadaha gaadhiga oo wata Cadaymihii galida,sida ogolaanshaha soo galida Gaydhka dekeda iyo cadaynta Kastamka.
3) Lama ogola in dekeda lala galo Qaad
4) Sidoo kalena lama ogola in dekeda lala galo hubka noocyadiisa kala duwan sida Mindida,Budadka,Bakooradaha iyo Ulaha.
Qodobadan oo inta badan la xidhiidha dhanka ammaanka iyo badbaadada ayay hadana soo baxayaan in ay jiraan dad uu quseeyo amarka la soo saaray oo si wayn uga biyo diiday isla markaana ku sheegay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwo lagu cabudhinayo shaqaalaha dekeda Berbera.
Haddaba halkan hoose ka daawo qodobada ay soo saartay Shirkadda DPW
Xogsoor Media.net
Hargeisa Somaliland