“Maba Habboona in Xilliyada Doorashada Magaca SNM Lagu Maxaafsado oo Loo Soo Qaato Isir Lagu OLoleeyo.”Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan

0
518

Hargeysa(Xogsoor Media.net):- Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah qoraa iyo wariye,ayaa meel ka dhac iyo gef ku tilmaamay in xilliyada doorashooyinka in la soo qaato magaca SNM oo lagu ololeeyo,waxaanu intaa ku daray in halgan  taariikheed ay tahay SNM oo la soo maray isla markaana ay dhashay Somaliland oo ay ku midaysan yihiin intii taageersanayd halgankii SNM iyo intii ka soo hor jeeday oo wada leh Somaliland

Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal kooban o uu soo dhigay barta uu ku leeyahay barkulanka bulshada ee Facebook.

Waxaanu qoraalkiisa ku bilaabay sidan.

SNM ayaan xafiis u fadhiyi jirey ama ka mid ahaan jirey oo olole doorasho maanta foodsaaro looga dhigtaa wax nuxur iyo macno ahi kuma jiraan.

Runtu ma fantaa?!

Maba habboona in xilliyada doorashada magaca SNM lagu maxaafsado oo loo soo qaato isir lagu ololeeyo.

SNM maanta ma leh oo ma aha in laga dayo nuxur siyaasadeed, waa se isir taariikheed. Halgankeedii sharfanaa waxa ka dhashay natiijo ahaan Somaliland.

Somaliland waxa ku bahoobey intii SNM ka mid ahayd ama taageersanayd iyo intii aan ka midka ahayn ama ka horjeeddey.

SNM wax lagu kala dooranayaa ama loo kala dooranayaa ma jirto ee qori-tuurashadu waa Somaliland.

Haddii aan aad aragto xilliga doorashada siyaasi ku hadaaqaya magaca SNM waa awr-ku-kacsi hoosta ka madhan. Waayo waxa uu waayey wax uu u sheego dadka uu la hadlayo iyo si uu ugu taliyo inta maanta nool, waana kala qaybin ee ogow.

Teeda kale marka uu sidaas (SNM) magaceeda ugu ololaynayo miyaanu ogayn in uu iska durkinayo in badan oo kale oo aan magacan wax xidhiidh ah la lahayn, mise codkooda ayuu ka maarmay?!

Hubanti kama uu kaaftoobin ee is ma oga, waana malahayga ka hebednimo iyo madhnaan garasho siyaasadeed iyo fahamkeeda, waayo haddii aanay sidaas ahayn kuma uu ololeeyeen wax codbixiyeyaasha qayb ka fogaynaya oo bulshada kala qaybinaya.

Teeda kale, qolyaha xilliyada doorashada magaca SNM jeebka kala soo baxa waxa aan u aqaan khaayimiin iyo beenaaleyaal. Waayo haddii SNM-nimadu run ka tahay waxa ay daryeeli lahaayeen naafadeedii iyo inta waalatay ee suuqyada heedadawda ee aynu og nahay ee silica iyo saxariirka u dhinta ama ku nool.

Haddii ay run sheegayaan oo daacad yihiin waxa ay maalgelin lahaayeen, illayn waa hantiileyaale, in la ururiyo taariikhdeedii, la qoro oo la kaydiyo ee kama ay dhigteen halqabsi olole siyaasadeed uun lagu galo.

Annaga ayaa SNM ka mid ahayd oo waxa aannu idin leennahay, “idinka diidney dareenkiinna buka ee caabuqu diloodey. Ha noo sheegina idinka dhegaysan mayno’e. Wax kale noo sheega oo aannu idin ku raacno oo inta maanta wada nool wax u noqon kara oo waxtari kara. ”

“Wallee hagardaamo

Falkaagu habeensey

Higlooy gabbalkaa dhac!”

 

QALINKIII QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here