Gudiga Nabad Gelyada Gobolka Sanaag oo Mustaafuriyay Nin u Dhashay Dalka Ingiriiska

0
364

Ceerigaabo(Xogsoor Media.net):- Gudiga nabad gelyada Gobolka Sanaag,ayaa go’aan ku gaadhay in magaalada Ceerigaabo laga Mustaafuriyo nin u dhashay dalka Ingiriiska oo xalay  gaadhay magaalada Ceerigaabo oo la sheegay in uu u socday arrimo la xidhiidha Beeyada isla markaana ay dalka keeneen oo uu  la shaqaynayay shirkado ka ganacsada Beeyada iyo faleenka.

Gudiga nabad gelyada gobolka Togdheer oo kulan wada jir ah maanta ku yeeshay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay,ayaa go’aamiyay in ninkaas dalka laga Mustaafuriyo isla markaana aanay  gobolka iman karin dad ajaanib ah oo u socda arrimaha beeyada iyo faleenka illaa ay dalka ka qabsoonto doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii  uu ninkaasi magaalada gaadhay  oo uu khilaaf ka dhex abuurmay shirkadaha beeyada iyo xabkaha iyo faleenka ka ganacsada tasoo dhalisay in maamulka gobolka iyo gudiga nabad gelyadu ay soo faro galiyaan oo ay go’aan ka gaadhaan isla markaana ay amar ku bixiyeen in ninkaa u dhashay dalka Ingiiiska  in la mustaafuriyo.

Haddaba halkan ka daawo warkaas oo dhammaystiran.

 

Xogsoor Media.net.

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hagreisa Somaliland

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here