Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya oo Waxba Kama Jiraan ka Dhigtay Doorashadii Madaxweynaha Amartay in Lagu Celiyo

0
431

Mucaaridka uu hoggaamiyo  Odinga oo Soo Dhaweeyay iyo Isbahaysiga Madaxweyne Uhuru oo go’aan Siyaasadeed ku tilmaamay

Maxkamadda Sare ee Kenya oo  noqotay Maxkamaddii ugu horraysay ee Doorasho Afrika ka dhacday waxba kama jiraan ka dhigta

Nairobi(Xogsoor Media.Net):-  Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go’aan kama dambays ah ku laashay isal markaana waxba kama jiraan ku tilmaantay doorashadii Madaxtooda ee dalka Kenya ka dib markii ay isbahaysga asxaabta mucaaridka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, markii gudiga Doorashooyinka dalka Kenya ay ku dhawaaqeen in isbahaysga Madaxweynaha  talada hayay ee  Uhuru Kenyatta  in ay ku guulaysteen  doorasahda Madaxtooyada isal markaana ay ka horreeyaan Odinga iyo isbahaysigiisa codad dhan 1.4.

Laakiin waxaan  ku qancin natiijada ay gudiga Doorashooyinku ku dhawaaqeen Isbahaysiga Mucaaridka oo dacwad u gudbiyay Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya isla markaana ku eedeeyay Gudiga Doorashooyinka dalka Kenya in ay wax isdaba marin  badani in ay sameeyeen.

Waxaanay dalbadeen in dib u eegis iyo baadhitaan lagu sameeyo hannaankii codbixinta iyo foomamkii ay natiijada ku soo gudbiyeen.

Maxkamadda sare aaa markii hore ogolaatay in dib u eegis lagu sameeyo hannaankii codadka loo dhiibtay iyo foomamkii natiijada isla markaana si toos ah loogu furo in ay xogta oo dhan wada eegi  karaan Odinga iyo asxaabtiisu.

Gudoomiyaha maxkamadda sare David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, waxaanu amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Tafatiraha laanta Afka Sawaaxiliga ee BBC, Caroline Karobia oo Nairobi ku sugan ayaa sheegtay in Kenya ay taariikh cusub hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne.

Taariikhda dhaw ee dunida, saddex dal oo kale  ayay maxkamadahoodu waxba kama jiraan ka soo qaadeen doorasho madaxweyne, kuwaas oo kala ah:

  • Ukraine sannadkii 2004
  • Maldives sannadkii 2013
  • Austria sannadkii 2016

 

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 Agoosto  in aanay  u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

Markii agu dhawaaqay go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya taageereyaasha mucaaradka ayay dalka Kenya  ka bilaabmeen  damaashaad  ay dhigaan taageerayaasha Mucaaridka oo si wayn isugu soo baxay.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo laanta Afka Somaliga ee idaacadda BBC-du ay go’aanka Maxkamadda wax ka waydiisay ayaa sheegay in go’aankaasi uu ayahy  mid sax ah isla markaana loo baahan yahay in gudiga doorashooyinkana la bedelo oo guddi cusub la magacaabo si loo qabto Doorasho xor iyo xalaal ah waxaanu intaa ku daray in cidda wax qarribtay ay tahay gudiga doorashooyinka oo uu sheegay in ay sameeyeen Musuq maasuq aad u wayn oo dalka oo dhan ay boobeen.

Waxaanu yidhi “Cidkasta oo caddaaladda daba marta waa in sharciga la mariyaa kuwa  maanta joogaana halka ugu hoosaysa illaa Madaxweynaha ayay boobeen.”waxaanu intaa raaciyay “annagu doorashada haddii  si caddaalad iyo xaq ah naloogaga guulaysto waanu aqbalaynaa waanan soo dhawaynaynaa.”

Dhinaca kale siyaasiyiinta ay isku  xisbiga yihiin Madaweyne Uhuru  u badan xildhibaano doorashada ku soo baxay ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya ka soo baxay in uu yahay mid siyaasadaysan iyagoo ku dooday in garsooreyaashii Maxkadda Sare nin ka mid ahi aanu iman oo la sheegay in uu xannauunsanayo loona baahan yanay in la ogaado sababta uu u maqnaaday.

 

Dhinaca kale Gudiga Doorashooyinka oo ah cdda ugu weyn ee kiiskan dambigiisa dusha laga saaray ayaa iyagana la filayaa in ay saacadaha soo socda in ay warbaahinta la hadlaan oo ay ka hadlaan natiijadii ay ku dhawaaqeen ee waxba kama jiraanka laga dhigay.

Waxaa kale oo dabbaal gedyo aad la isugu soo baxay ay ka  bilaabmeen magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Kenya oo ay ka mid tahay magaalo xeebeedka Mambasa oo ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha mucaaridku iyadoo guud ahaan taageerayaasha Mucaaridka ee Kenya ay qaybo badan oo dalka ka mid ah ka dhigayaan  isu soo baxyo ay ku soo dhawaynayaan go’aanka Maxkamadda.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmai.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here