Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweyne ku-xigeenkaJamhuuriyadda Somaliland,ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa saaka kumanaan dadweyne ah kala qayb galay oo kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Caasimadda Hargeysa Salaadda Ciidal Adxaha oo guud ahaan caalamka Islaamka maanta laga tukaday.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa markii la tukaday bulshada reer Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin munaasibadda Ciidal Ad-xaha awgeed waxaanu u rejeeyay in ay sanadkan sanadiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo nabad iyo caafimaad waxaanu sidoo kale shucuubta Islaamka ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidal-Adxa.
Waxaa kale oo uu kusimaha Madaxweynuhu farriin u diray asxaabta mucaaridka oo uu ku adkeeayy in ay ilaaliyaan wada jirka umadda iyo isku duubnaanta shicibka reer Somaliland isla markaana ay u diyaar garoobaan in ay wada galaan tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah oo aan umadda lagu kala fogaynayn.
“walaalayaal waxaynu haysanaa nabad gelyo iyo dal ammaan ah taana waxaa garanaya cidda aan maanta nabagelyo iyo dawladnimo aan ahaysan waxaan idin leeyahaya dalka aynu wada ilaashano oo dadka midnimadooda aynu ka wada shaqayno wax umadda kala fogaynayana aynu iska ilaalino oo aynu wada galno doorasho xor iyo xalaal ah oo caafimaad qabta”
Waxaanu intaa raaciyay madaxweyne ku-xigeenku “Waxaan hambalyo ballaadhan hawda u marinayaa dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan hambalyo.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland