W/wararka(Xogsoor Media.net):- Kuuriyada Waqooyi,ayaa gantaal kuwa Ridada dheer ah oo ay tijaabisay waxay dul marisay dalka Japan.
Dalka ku hawlan tijaabooyinka hubka ridada dheer ee casriyaynta gantaalaha ku foogabn ayaa dalka Japan dhankiisa waqooyi waxaa uu dul mariyay gantaal.
Ciidamada Japan ayaan isku dayin in ay wax tallaabo ah ka qaadaan oo ay hawada ku qarxiyaan ama ay ku qabtaan gantaalka la dul mariyay.
Raysal-wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.
Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaalahaa ay ridaysay.
Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.
Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee idaacadda dawladda ee NHK ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.
Ra’isal wasaare Abe ayaa gantaalkan loo ganay xaga dalkiisa ku tilmaamay “fal laga cadhoodo” iyo in uu yahay “khatar halis ah oo aan hore u dhicin taas oo dhaawacaysa nabada iyo nabadgelyada gobolka”. Waxaan intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso