Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Sheegay in ay Bilaabayaan Tirakoobka iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

0
639

Hargeysa(Xogsoor Media.com):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed iyo Madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,ayaa socdaallo shaqo ku tegay gobolada Awdal iyo Saaxil.

Guddoomiye Sharma’arke iyo madaxda la socotay,ayaa kulamo la qaatay madaxda  iyo shaqaalaha laamaha dawladda ee gobolada ay socdaalka shaqo ku tageen,waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in ay dhawaan bilaabayaan tirakoobka iyo tayaynta shaqaale weynaha dawladda Somaliland.

Guddoomiye Sharmarke ayaa u bandhigay inay dhawaan bilaabayso Hay’adda uu madaxda ka yahay Barnaamijka tiro koobka iyo Tayeynta Shaqaalaha kala duwan ee dawlada loona baahan yahay inay madaxda wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ahi kala hawlgalaan arintaas  oo si wada jir ah barnaamijkaasi qaranka u muhiimka looga wada hawlgalo.

Guddoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu horeyn qoraal ka warbixinaayey hawlaha shaqo ee uu Gobolka Awdal ku tegay waxa uu yidhi “Iyadoo Mudooynkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladu ku hawlan tahay

dardar galinta shaqada iyo waajibaadka hay’adda shaqaaluhu u igman tahay ayey madaxda hay’adda Shaqaaluhu kulan xoojin iyo xog-waran ah la qaateen madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah ee Gobolka Awdal, waxaa si wayn looga wada hadlay u diyaar garowga hawlo baaxad le oo dhawaan lagu suggi doonno tirada, tayyada iyo tababarka shaqaalaha dawlada ka hawl gala Gobolka”

Sharmarke oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa badhasaabka Gobolka Awdal iyo Xoghayaha Gobolka oo si wanaagsan u soo agaasimay kulankan, masuuliyiinta ayaa maalmahan u jihaysan doonna gobolada barriga hadii Alle idmo kadib markay soo dhameeyeen gobolada Saaxil iyo Awdal u shaqaynta Shacabka Sharfan waa Shuruuda Shaqaalaha”

 

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Sharmarke kulankan la mida isaga iyo Madaxda Hay’adda Shaqaaluhu la soo qaateen socdaal ay ugu tageen Madaxda Wasaaraddaha iyo Maamulka Gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera waxaanu

isaga oo kulamadda dardargelinta ee uu Saaxil Madaxda Dawladda kula yeeshay yidhi “Madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa maanta kulan dardar gelin iyo diyaar garaw ah la qaatay isu-duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha

dawlada ee Gobolka Saaxil, kulanka ayaa lagaga wada hadlay dardar galinta shaqada iyo adeega loo hayo shacabka iyo sidoo kale u diyaar garowga tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawlada ee ku sugan guud ahaan gobolka Saaxil”

 

Md Sharmarke  waxa uu inta ku daray “Kulankan oo sidoo kale uu kasoo aybgalay badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa la isla soo qaaday diyaarinta xarun ay yeelato hay’adda shaqaaluhu, u kuur galka shaqaalaha sida runta ah u shaqeeya iyo kuwa jiifka ku jaqa is le cashuurta hooyada laga qaado waa yoolka koobaad ee hay’adda Shaqaalahu beegsan doonto, Tartan furan iyo Shaqo tayyo le waa himilada hay’adda Shaqaalaha”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here