Ciidamada Dab-damiska Hargeysa oo Samato Bixiyay Gabadh Suuli ku Dumay

0
495

Hargeysa(Xogsoor Media.net): Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa  ku guulaystay samato bixinta gabadh uu suuli la dumay oo loogu soo qayliyay ka dib markii lagala soo hadlay lambarka gurmadka deg degga ah ee ciidanka dam-damiska oo saacad kasta heegan ku jira.

maanta abbaaro 1:43 PM waxa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah laga soo sheegay Xaafadda Jacmeeco Weyn ee Degmada Maxamuud Haybe

Nooca gurmad ee loogu yeedhay ciidana dabdamisku iyagoo aan waydiin in ay dab tahay iyo in kale markiiba way ka hawl galeen iyadoo gurmadka  nafeed ee laga dooyay ay ahayd in ay badbaadiyaan oo ay u gurmadaan isal markaana ay samato bixiyaan gabadh uu suuli la dumay oo  kudaga  ugu wada dhacday ka dinba uu ku soo dul dumay dhismihii sare.

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa Badbaado, waxaana ay u baxeen goobtii laga soo sheegay iyadoo hawlgalkaa uu Hogaaminayay Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali waxaana markii uu ciidanku gaadhay goobtaas waxaa ciidanku bilaabay Hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo, Hawlgalkaa oo qaatay saacad iyo badh ayaa ciidanku ku guuleystay inay soo badbaadiyaan Gabadhaas ku caddibnayd Suuligaas.

Hogaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali oo Hawlgalkaa hogaaminayay ayaa ciidanka uga mahadnaqay sida hawlkarnimada, kartida iyo shaqo wanaaga leh ee ay u guteen waajibaadka ay qaranka u hayaan iyadoo Hogaanku xusay in ciidanka Dab-demisku aanay badbaadin waxyeelada Dabka oo kaliya balse Ciidanku markastaba heegan u yahay badbaadinta Dabka iyo wixii kalee gargaar Biniaadanimo ku saabsan.

Dadweynihii Goobta joogay iyo eheladii Gabadhaa ku dhacday Suuliga ayaa iyaguna Ciidanka Dab-demiska uga mahadnaqay qaabkay u badbaadiyaan gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo Gurmadkii ay waydiisteen, waxanay sheegeen inay dadaalka ay dadkooda ugu shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaada waxaana Todobaadkii u horeeyay Ciidanku soo badbaadiyeen muwaadin Gaadhigiisa uu qaatay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Xogsoor Media.net

Xogsoormeida.com@gmail.com
Xogsoormeida24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here