Hargeysa(Xogsoormedia.net):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay siyaasiyiin Somalland u dhashay oo Soomaaliya xilal ka soo qabtay isla markaana ka soo hor jeeday gooni isu taagga iyo Madaxbannaanida Somaliland oo mawqifkoodii hore ka noqday in ay dalka Somaliland cafis ku yimaadeen oo ay joogaan.
Wasiirudawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.oo arrimahaa ka hadlay waxaa kale oo uu ka war bixiyay siyaabaha ay siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee gooni isu taagga fikir ahaan ka soo hor jeeday ee Soomaaliya xilal ka soo qabta iyo qaabka ay cafiska ku siiyaan.
Waxaanu sheegay Wasiirudawluhu in dalka ay ku sugan tahay Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo ah gabadh u dhalatay Somaoliland isla markaana ka mid ahayd madaxdii Dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaaliya.
waxaanu intaa raaciyay in aanay jirin siyaasiyiin madax ka soo noqday Soomaaliya oo Somaliland u dhashay oo dalka ku sugan isla markaana aan cafis soo dalban oo dalka iska yimi.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in cafiska ay soo dalbadaan iyo in laga aqbalaabay ay tahay arrin uu leeyahay Madaxweynaha Somaliland isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu leeyahay ka aqbalaaddiisa iyo ku diididba,isagoo xusay in qofka dambi dalka ka gala ee ka noqda cafisna dalbada in laga aqbali karo.
Xogsoor Media.net