Siciid Cilmi Rooble oo Eersadey in Xisbigiisu Dhabarka u Jeediyay Murrashaxnimadiisii

0
482

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku ee deeyay xisbiga Waddani oo uu ka tirsan yahay in aanay ku garab istaagin in uu u tartamo jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi, taasina ay keentay in uu ka tanaasulo hankiisi.

Siciid Cilmi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta sharraxay sida ay u dhacday codayntii lagu doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada oo shalay loo doortay Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu tilmaamay in ay si fiican u dhacday doorashadaasi, isla markaana uu u codeeyay xildhibaan Axmed Yaasiin. “Doorashadii loogu tartamayay  jagada   guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, si fiican ayay u dhacday, si wacan ayaana loo kala helay, anuguna murashax ayaan ahaa, waanan tanaasulay,  waayo xisbigaygii ayaan i soo dhigin.

Aniga oo u sharraxan jagada guddoomiye ku xigeenka, mar haddii uu xisbigaygii WADDANI i soo dhigi waayay, sidaa awgeed ayaan u tanaasulay,  waxaanan u coddeeyay oo aan codkii siiyay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle. gadaal ayaan ka hadli doonaa, guul ayaanay ku dhammaatay doorashadaasi,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramayay telefishanka Bulsho Tv.

Mudane, Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in uu ka hadli doono tallaabadaas, taas oo u muuqata in uu ka biyo diidsan yahay xildhibaannada xisbiga Waddani oo aan ku taageerin hankiisii murrashaxnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here