Hargeysa(Xogsoor Media.net):- Kusimaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne ku-xigeenka dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine.
Madaxweyne ku-xigeenka ,ayaa guddoomiyaha gobolka Awdal Musafe Shiine waxaa uu faray in uu xilka si ku-meel gaadh ah ugu sii wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa.
Waxaa kale oo uu Madaxweyne kuxigeenku faah faahin ka bixiyay sababaha uu shaqada uga joojiyay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo Shaqada lagaga joojiyay Guddoomiye Shiine,ayaa u dhignaa sidan.