Cabdirisaaq Khaliif iyo weftiga uu hoggaamiyo,ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood isla markaana lagaga hor yimi duleedka magaalada Laascaanood laguna galbiyay baabuur aad u tiro badan.
Weftigan oo Cabdirisaaq Khaliif ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa deegaanaddaasi waxa ku qaabilay taageerayaal aad u baaxad weyn oo muujiyey cududooda taageero ee Xisbiga WADDANI iyo sida ay ugu heelan yihiin Xisbigaasi oo ay sheegeen in uu yahay xisbiga keliya ee Somaliland mideyn kara.
Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo Weftigiisu waxa sida oo kale ay xadhiga ka jareen xafiisyo tirabadan oo shacabka ku dhaqan deegaanada Laascaanood ay iskood u furteen una qalabeysteen kuwaasi oo xoojin doona hawlaha shaqo ee Xisbiga WADDANI.