“Qofkii dunida soo arkay ayunbaa garan kara xorriyadda hadalka iyo dimuquraadiyadda ka jirta Somaliland mucaarid iyo muxaafidna looma kala eego qofka eedaysanaha ah.” Wasiir Faratoon
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo maalmihii u dambeeyay ka soo baxayay masuuliyiinta asxaabta mcaaridka ah oo sheegay in ay jiraan tallaabooyin lagu cabudhinayo iyo xadhig ay sheegeen in si joogto ah loogu hayo oo lagu xidh xidho masuuliyiin kala duwan oo ku kala sugan degmooyinka iyo gobolada dalka qaarkood.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay wasiirku in Somaliland ay tahay dal dimuquraadi ah oo caalamka horumaray xataa kaga wanaagsan xorriyadda hadalka iyo cabirka afkaarta qofku uu aaminsan yahay taasoo uu sheegay in uu garan karo oo keliya qofka caalamka soo arkay ee dunida dimuquraadiyadda ku faanta dalalkooda tegay siday u dhaqmaan iyo siday Somaliland ugu dhaqanto.
Waxaa kale oo uu ka hadlay in sharciga dalka loo siman yahay isla markaana aanu kala saarayn ama kala sarraysiinayn mucaarid iyo muxaafid qofka shaqsiga ahin haddii uu dambi galo isagoo muxaafid ahna aanu ku badbaadayn isagoo mucaarid ahna aanu ku nabad gelayn.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay wargeyska Dawan. Wasiirka oo la waydiiyay wuxuu kaga jawaabayo cabashada xisbiyada mucaaridka oo ku eedeeyay xukuumaddu in ay cabudhin iyo xadhig joogto ah ay ku hayso,ayaa yidhi. “Somaliland waa dal dimuquraadi ah oo waliba kaga wanaagsan ku dhaqanka dimuquraadiyadda iyo xorriyadda hadalka dalalkii dimuquraadiyadda samaystay taana waxaa ogaan kara oo garan kara oo keliya qofka caalamka dimuquaariyadda ku faana ee Maraykan iyo Yurub ay ka mid yihin soo arkay siday ugu dhaqmaan iyo sida ay Somaliland uga hanaqaaday ee ay ugu dhaqanto,Somaliland waa dal ay ka jrto xorriyadda hadalka iyo cabirka fikirkisa gaar ahaaneed iyo ka xisbiyeeda,aasaana u sabab ah in markasta mucaaridku ay siday doonaan u hadlaan oo ay sheegaan waxyaabo aan dalka ka jirin,qofkuna dambiile isagoo xisbi mucaarid ah ku jirana wuu noqn karaa isagoo muxaafid ahna wuu noqon karaa taana looma eegayo waa xisbi hebel oo muraarid isagoo ahna lagu xidhi maayo isagoo muxaafid ahna lagu deyn maayo ee sharciga waa loo siman yahay,dalkana kamay dhicin in xadhig siyaasi ah cid loo xidho oo loosoo qabto fikir xisbi mucaaid ahi aaminsan yahay laakiin haddii qof dambi galay ama eedaysane ah la xidho maaha in laga dhigo in xisbi gaar ah la xidhay.”
Wasiirka oo la waydiiyay in uu u damaanad qaadayo asxaabta qaranka in ay si siman ula dhaqmayaan una wada karaamaynayaan astaamahoda iyo xafiisadooda,ayaa ku jawaabay. “ka xukuumad ahaan asxaabta qaranku waxay noo wada yihin asxaab qaran haddaanay shacri ahayna mabay furnaadeen o may jireen sidaa darteed ayay sharciga dalka ugu siman yihiin una yihiin asxaab qaran astaamahooda iyo xafiisyadooduna waa sharci wax kasta oo sharcigu u ogolyaayna way helayaan hadday mucaarid yihiin iyo hadday muxaafid yihiinba laakiin wixii sharcigu ka reebo midna u ogolaan mayno. Marar ayay dhacdaa in ay taageerayaasha asxaabtu in ay iyagu isku eedeeyaan calanbaa la dejiyay iyo xafiisbaa la shiiday laakiin wax dawladdu midna ka aqba,aysto taasina maaha.”
Wasiirka oo wax laga waydiiyay wuxuu kaga jawaabayo dagaalkii dhawaan ku dhexmaray beelaha walaalaha ah deegaanka Dararweyne oo soo noq noqoshadiisa mucaaridku Xukuumadda ku eedeeyay,ayaa yidhi. “Su’aashaa aad I waydiisay waxay ka mid tahay dimuquraadiyada ka jirta Somaliland iyo hadalku in qofku iska hadli karo,dawladda ayaa dagaalka soo noq noqoshadiisa ka dambaysa cidda tidhi dunida meelaha qaar imika jeel ayay ku jiri lahayd laakiin waxaan u sheegayaa oo qudha in warkaasi uu been yahay dawladdu waxay ku mashquushaa oo ay ku hawl gashaa oo ay ku dhaqanaa wixii danta dalka iyo dadka ah,taasina waxay ku jirtaa nabad gelyada iyo samo ku wada noolaanshaha oo laga shaqeeyo iyo dhibaato kasta oo dhacda ka hawl galkeeda,markii horena wakhti badan ayay dawladdu gelisay nabadaynta labadan beelod ee isku noosha ah markan ay dib dhibaaad u dhacdayna maalintii koobaad ee ay isku dhaceenba waanu ka gurmanay wax dambena may dhicin Xukuuadduna way joogtaa oo ciidankii qaranka iyo booliskii iyo maamulkii heer gobol iyo degmo ayaanu markiiba hawl gailnay wax dambena may dhicin ciidankuna si wanaagsan ayay uga hawl galeen oo imika halkaa kama jirto wax dhibaato ah iyo ciidan beeleed hubaysan midna imikana waxaanu wadnaa sidii xoogga loo saari lahaa in wada hadal nabadeed loogu furi lahaa ee waxgaradka iyo sama aslika labada beelood iyo Xukuumadda iyo guurtida iyo culimada iyo madaxdhaqameedka dalkuba awoodda ay u wada saari lahaayeen in dadkaa walaalaha ah ee aan kala maarmin ee shaydaanku ka dhex shaqeeyay dhbaatada dhex taalla loo dhamayn lahaa waa isku nool aan kala maarin e in nabad waarta laga dhex dhaliyo.”
Xigasho Wargeyska Dawan
-
Xogsoormedia.com
-
Xogsoormedia.com@gmail.com
-
Xogsoormedia24@gmail.com
-
abafgaab@hotmail.com
-
Hargeisa Somaliland
Like this:
Like Loading...
Related