Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxba kama jiraan iyo war aan sal iyoraad lahayn ku tilmaantay warar laga qoray oo lagu sheegay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay wlwl galisay waddamada Reer Galbeedka
Warka ay dawadda Federaalka Soomaaliya beenisay oo ay qoryay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com.,ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkado waawayn oo ganacsi oo Soomaaliya ha shaqeeya iyo ganacsato sumacad ku leh geyiga Soomaalida iyo guud ahaan caalamkaba in ay taageraan Al-Shabaab oo ay dhaqaale siiyaan.
Waxaanay Dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in gabi ahaanba warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana waxay sheegtay shirkadaha iyo ganacsatada warkaa been abuurka ah lagu xusay magacyadooduba in ay yihiin shirkado iyo dhaqsiyaad u taagan u hiilinta umadda Soomaaliyeed markasta garab taagan dawladda Federaalka Soomaaliya oo kaalin wayn oo muuqata ku leh horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay dawladda Soomaaliya warkaa ku beenisay oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,ayaa u dhignaa sidan.
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com. Maqaalkan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusuf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.
Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan.
Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto.
Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland