Hargeysa(Xogsoormedia.com) Golaha Guurtida Somaliland,ayaa shuruud ku xidhay socdaal nabadayn ah oo ay ugu baxaan deegaanka Dararweyne ee degmaa Ceel-afwayn oo ay dirir colaadeed dad ku dhinteen todobaadkii hore ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.
Waxaanay Gurrtidu shuruud kaga dhigeen socdaalkood nabadeed in ay horta Xukuumaddu ammaanka gacanta klu dhigto oo ay nabad gelyada sugto oo ay xaaladda nabadgelyo ee deegaanka ay gacanka ku hayso,markaa ka dibna ay guurtidu socdaal nabadeed ugu bxi doonto kana shaqayn doonto sidii ay labada beelood ee walaalaha ah nabad ugu soo dabbaali lahayd wada hadalna ugu furi lahayd.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlayay fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo arrimahaa ka hadlayay,ayaa yidhi. “Xaalada xagaasina diyaar maaha aynu u soconey ilaa gacan adag lagu qabtana cidina tegimeyso dawladuna way codsatay dhawaaqoodana warbaahinta waad ka maqleyseen xagana waxaanu ku rejo weynahay in ay iska diyaar yihiin waxoogaagi Sabtida uunbaa hadii ALLE yidhaaho isu imaneynaa insha Allah in ay anbabax innaga noqoto ayaynu ku rajoweynahay”
Haddaba halkan ka daawo warka Guddoomiyaha Guurtida oo dhamaystiran