Aadan Dhoolayare oo Is-barbar Dhig Ku Samaeeyay Hoggaamin Wanaagga Sadexda Murashax Baaq Nabadeedna u Diray Beelaha ku Diriray Dararweyne

0
418

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isla markaana xilal wasiirnomo  ka soo qabtay Xukuuaddii Daahir Rayaale Kaahin,ayaa ka hadlay qaadashada kaadhka cdbixyaha ee gobolka Maroodijeex  oo uu sheegay in ay gaabis tahay kuna sababeeyay qaadasho yaraanta dadka gobolka Maroodijeex ee aadhka Codbixiyuhu in ay ka dhaatay quus ay dadku ka qaadeen Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE oo uu sheegay in ay ku fashilantay balan qaadyadii ay sameeyeen ee lagu doortay.

Waxaa kale oo u is barbar dhig ku sameeyay hoggaamin wanaagga sadexda Murashax Madaxweyne ee  u kala tartamaya WADDANI,KULMIYE iyo UCID oo uu sheegay in ay kula wanaagsan yihiin hoggaaminta isla markaana uu tilmaamay in uu ugu wanaagsan yahay oo uu dalka hoggaamin karo Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay in uu kaga wacan yahay labada murashax ee kale  taasoo uu ku sababeeyay in uu muddo ka badan 40 sano in uu xafiis iyo maamul in uu ka soo shaqaynayay.

Waxaa kale oo uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhex martay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel-afwayn.

Haddaba warkaas oo dhamaystiran halkan ka daawo.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland