Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Genay,ayaa maanso cusub ka tiriyay xaaladda dalku marayo isla markaana kaga hadlay sida aanay ummaddu u helin hannaan maamul oo wanaagsan oo ay mahadiyaan.
Waxaanu abwaanku maansada kaga hadlay sida danyarta loo boobay ee hantidoodii loogu tagri falay.
Waxaanu umadda ku baraarujiyay in ay dhanka wanaaga iyo ALLE ka cabsiga in ay ku dedaalaan oo ay markasta xasuusnaadaan in ay dambayso maalin ALLE lala kulmayo oo la is xisaabin doono lona baahan yahay in RABBI cibaadadiisa lagu dedaalo oo laga tago waxkasta oo uu ALLE kaa reebay.
Waxaa kale oo uu abwaanku dadka ku baraarujiyay in ay waxsosaar iyo tacab yeeshaan oo ay muruqooda wax kula soo baxaan.
Haddaba halkan ka daawo Maansada cusub ee Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Genay uu tiriyay.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland