Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa eryay oo xilkii ka qaaday wasiirkii Xidhiidhka Goleyaasha Tiknoolajiyadda iyo Cilmi Baadhista Cali Xaamud Jibriil.
Waxaanu xilkaa u magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo hore wasiir uga soo noqday Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana isu taagay murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbigii UDUB intaan laga reebi tartankii ka qaybgalka Doorashooyinkii dawladaha hoose ee ay ku soo baxeen KULMIYE/UCID iyo WADDANI.
Warsaxaafadeed ka soo baxayy Qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige(Xuseen Dayr),ayaa isagoodhammaystiran u qornaa sidan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4923/072017 uu xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada, kuna magacaabay wasiir cusub.
Xilka Qaadista Madaxweynuhu ku sameeyey wasiirku waxay u dhignayd sidan:
Ku: Mudane, Cali Xaamud Jibriil
Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Mudane,
Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.
Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland