Burco(Xogsoormedia.com):- Saraakiil a tirsan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii loo xidhay iyo ciddii amartay xadhigooda,iyagoo sheegay in ciidanka boolisku ay diideen in ay xidhaan oo aanay sharci ahayn.
Waxaanay xadhiga lagula kacay ku edeeyeen Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ay sheegeen in uu amar qasab ah ku xidhay.
Dhinaca kale masuuliyiinta WADDANI ee Burco lagu xidhay ayaa u mahad naqay garsoorka iyo maxkamadaha gobolka Togdheer iyo Xeer illaalinta qaranka oo ay sheegeen in ay ka qayb qaateen sidii loo soo dayn lahaa markii wax dambi ah lagu caddayn waayay.
Haddaba halkan ka daawo warkaas oo dhammaystiran.