Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxda Sadexda Xisbi Qaran ee Waddani,Kulmiye iyo Ucid,ayaa si wada jir ah uga hadlay dagaal beeleedka markale ka qarxay deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn oo ay ku dhineen ugu yaraan 6 qof 18 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dorraad ka dib markii ay halkaa ku dagaalameen laba beelood oo walaalo ah oo hore dagaal u dhexmaray oo ay dad badani ku dhinteen.
Masuuliyiinta sadexda Xisbi qaran,ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee colaaddu ka dhex qaraxday waxaanay u soo jeediyeen guud ahaan waxgaradka iyo madaxdhaqameedka iyo culimada labada beelood in ay gacan ka geystaan sidii ay nabad xaaladda ugu soo dabbaali lahaayeen.
Haddaba halkan ka daawo hadalka masuuliyiinta asxaabta qaranka oo baaq nabadeed oo wada jir ah u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex martay.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland