Hargeysa(Xogsoormedia.com):- waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Maansada la magac baxday Saliilyo oo uu curiyay Abwaan Wariye Axmed Cismaan Batuun oo markasta ka hadla suugaan iyo qoraalbana ku gudbiya hadba xaaladda taagan ka hadalkeeda iyo tilmaanta bulshadiisa isagoo wakhti iyo maskaxba u hura in uu umadda reer Somaliland mar walba ku wacyi galiyo isku duubnida iyo wada jirka,waxis tarka iyo walaalnimada.
Waxaanu abwaanku maansadan Saliilyo kaga hadlayaa doorshada so socota iyo waxa la gudboon bulshada reer Somaliland ee nasiibka u yeelata in maalinta ALLE gaadhsiiyo oo ay codkooda dhiibtaan waxaanu kula talinayaa in ay mar kasta maanka ku hayaanin siyaasiga hadalkiisa aanay u raacin ee ay jirto wax ka wayn oo dadka wada midaysa oo ah Somaliland qaran la yidhaahdo oo ka fayaw kana gudba qabyaalad iyo reernimo in cid lagu xusho.
Waxaanu abwaanku bulshada xasuusiyay in ay doorashooyin badan ooh re soo galeen balanqaadyadii loo sameeyay iyo waxyaabihii loo qabtayna iyo intii loo sheegayay in loo qabanayona ay wax isak waydiiyaan.
Yaanan hadalka idinku badin ee aan idiin kala boxo idinka akhristweyaal iyo maansada Saliilyo iyo erayadii Abwaan/WARIYE Axmed Cismaan Batuun
Ma sarin oo maan sifayn
Ma solin oo waan ka tegay
Suugaantii waxan u nacay
Dadkiibaan dhagaha siin
Waxaana ka saahidoo
Dhamaan ila qaba sidaa
abwaanada soomay ee
Siduu xaalkeenu yahay
ka qaaday saskee beryahan
ka seexday fagaarihii
ha yeeshee sabab la,aan
umaan soo galin badkee
Sadarro qalqaloocanbaa
Ku saydhi waxaa i yidhi
Damiir samihiinna jecel
Saliilyada aan qabee
Saqdii dhexee aan la kacay
Hadii aanay igu simayn
ujeedada inaan sawiro
Waan soo gaagaabiyoo
Warkaygaan saafaayaa
lur sahan kaa baajiyaa
Loo saaraa geeddi awr
Sarbeebtana qeexisbaa
Ujeedada lagu sugaa
Runbaa sacab loo tuma
Dadkana isa seeg ka wayn
Qabyaalad sumaysan iyo
siyaasadi muu dhax marin
Dantuna waa seeto oo
Hadii aan lagu salayn
Sinaan waxtarkeeda guud
Sokeeye ma baylah tiro
Qabyada kuu sudhan degtoo
Safaad waxa kuugu filan
Kuwii aad saaciddeed
Saf dheer iyo bacadka kulul
U soognayd maalmehee
Miyay guul kuu sunteen
Nadaafad makuu sugeen
miyay sallaxeen dariiq
Sariibad makuu dhiseen
salado iyo daaro badan
Baloodhada siman carrada
Gawaadhi sabbaynaysiyo
Safaariyo laysu tolo
Cashuurteenoo la siro
Umaynaan siin codkee
Miyaydaan saluugga iyo
Salcaanka ka waabanoo
Caqligu sakatiba lahayn
haddaad sigateen in badan
Markaad ku socdaalaysaan
Tareen ka samaysan caws
Muddona soo joogayoo
Mishiinkiisoo sanqadhay
La sudhay qaraf aan damayn
saliid olol taabtaybaa
Idaylkii saaqayoo
Xaqiiq lama sahashadee
Holaca aad saarantahay
Malaha siqiddaa ka roon
Qabyaaladi saacadnaba
Sad iyo male fiicni oo
Xumaantay soofe iyo
U tahay saldhig buuxa oo
Waxay seejisaa bulshada
Barwaaqada lagu socdee
intaad isku seegaysaan
Siyaasi warkiisu yahay
inaad saartaan kursiga
Talana kuu sigib tirayn
inay ka sokayso garo
Xilkeedna ku saaranyahay
Dalkoo loo sahamiyaa
sanduuqa adaa xukuma
siyaasiga guul u hura
Adaa kala saari kara
Suureeya waxay rabaan
Arladu sabi iyo mid wayn
Sargoo marka aad tidhaa
Ayuu rabbi kuu sahlaa
Ha socon adigoon is hubin
Ha siin ruux aan mudnayn
Awoodaadana ku soco
Intaad saaftaan dadyohow
waxaad soo doorataan
Midkii saadaasha guud
Samaan loo tirin karee
Siyaasadda uu watana
Dantiinu ku salaysantahay
mid aan kala soocinoo
Bulashada kala saarinoo
Sinaanta daneeya oo
Su,aalaha aad qabtaan
Ka keena jawaabo sugan
Ka bogo waxad soo marteen
dalkana yaan salaw la galin
Sawaariikh iyo af xumo
Saxaafadda yaan la marin
intaad isa saamaxdaan
Salkana u dhigtaan rejada
ku dara filashada samaan
Hiigsina samirbaa wadoo
Ogow qaran wada socdaa
Saameeya aduunyadee
Ku faan Somaaliland.