Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland isla markaana taariikhyahan wax badan dunida ka uruuriyay ah lana socda arrimo badan oo caalami ah,ayaa sheegay n Somaliland ay soo mareen fursado badan oo ay caalamka aqoonsi kaga heli lahayd laakin la dayacay oo aan lagu dhaqaaqin.
Dr Bulxan oo ka hadlayay xaflad xalay loo qabtay boqol sano guuradii ka soo wareegtay markii maamka Somaliland lagu daray khariiradda dunida ayaa si faah faahsan uga hadlay dariiqooyin badan oo ay Somaliland aqoonsku ku heli lahayd oo aan loo dhaqaaqin.
Dr Bulxan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu Muqdsho u tegayo sidii uu jaamacadaha Xamar ugu qaban lahaa muxaadirooyin uu kaga hadlayo sidii Soomaaliya u aqoonsan lahayd Somaliland,laakiin waxaa socdaalka uu berigaa ku dhawaaqay ka joojisay oo u diiday Xukuumadda Somaliland.
Habaddab halkan ka daawo Hadalkii iyo taariikhihii uu ka hadlay Dr Bulxan.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland