Riyad(Xogsoormedia.com):- Saraakiisha Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay dad kala duwan lana naahiyay muuqaalo isaga laga duubay xilli uu falal tacadi ah u geysanyay dad shacab ah.
Boqor Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Sucuud bin Cabddul-Casiis, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.
Amiirka dhalinayrada ah ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xidhan dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah. Waxaanu muuqaal kale muujinayaa isaga oo tacadi u gaysanaya dhowr qof.
Dadka dhibaatada kasoo gaadhay falka amiirka waxaa kamid ah haween uu aflagaadeeyay iyadoo muuqaaalada qaarkood ay ka muuqanayeen dad la gaadhsiiyay nabaro oo dhiig lagaga keenay.
Boqorka Sucuudiga ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado amiirka, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu bulshada kaga jiro
Dhinaca kale Qaraarro boqortooyo oo dhawr qodob ah oo uu Sucuudigu soo saaray ayaa lagu shaaciyay in isku shaandhaynta saraakiil sar sare.
Waxaana ka mid ah meelahaa isku shaandhaynta lagu sameeyay waaxda nabad sugidda si wax looga qabto argagixisada iyo arimaha la xidhiidha, waaxdaas oo markii hore hoos tegi jirtay wasaaradda arimaha dibadda.
Qaraarrada la shaaciyey waxa ka mid ah in la bedeli doono taliyaha ilaalada boqortooyada, halka dhawr xil oo cusubna la shaaciyey oo ka mid noqon doona kooxda la shaqaynaysa amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan.
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland