Baarlamaanka Puntland oo Maanta Riday Xukuumaddii Garoowe iyo Jawaabta Madaxweyne Gaas

0
337

Garoowe(Xogsoormedia.com):- Baarlamaanka Maamul Goboleedkka Soomaaliya ee Puntand ,ayaa maanta riday oo kalsoonidii kala noqday xukuumadda maamul goboleedkaas oo ay ku eedeeyeen in ay noqotay  xukuumad fadhiid ah oo ka soo bixi wayday waajibaadkii loo igmaday.

Waxaanay Xildhibaannada Puntland intaa ku dareen in ay waajib tahay in  Madaxweynaha Puntland in uu si deg deg ah u soo dhiso Xukuumad cusub.

Kulanka baarlamaanka waxaa soo xaadirtay 57 mudane, waxaa  codka kalsoonida kala noqday  47 mudane, waxaa ka aamusay 9 xildhibaan, halka 1 xildhibaan  uu kahor yimid.

Xildhibaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda Gaas wax qabad la’aan, waxaana Madaxweyne C/wali Gaas laga sugayaa inuu soo magacaabo wasiirro cusub.

Maalmihii u dambeeyay waxaa jiray dodo aad u badan oo ay xildhibaanada Maamul goboleedka Puntland kaga hadlayeen wasiirada xukuumadda Puntland oo ay ku eedaynayeen in ay fadhiid yihiin isla markaana ay ku tagri faleen awoodii maamul ee loo igmaday.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya  Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,ayaa jawaab ka bixiyay go,aanka ka soo baxay xildhibaanada baarlaaanka maamul goboleedka uu gadhwadeenka ka yahay.

 

Waxaanu sheegay in uu soo dhawaynayo go’aanka ay  kalsoonida kagala noqdeen Xukuumaddiisa waxaanu balan qaaday in uu si deg deg ah u soo dhisi doono gole wasiiro cusub.

”Sida aad lawada socotaan waxa ay maanta oo taariikhdu tahay Salaasa 18 July ,2017, ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin Dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah”.

 

Wasiiradda kusoo dhisidoono muddada uu ogolaanayo dastuurku, isla markaa  waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu la tashan doono Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

”Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland.”

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee sugaya amnigooda, isla mar’ahaantaana ay taageeraan horumarka baaxada leh ee dhinacwalba ah ee ka socda degaanada Puntland.

”Sidoo kale waxaan ugu baaqaya Shacabka Puntland in ay ka qeyb-qaataan amniga dalka lana shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana taageeraan horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland.”.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaana ay ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu

”Ugu dambeyntii waxaan Ku boorinaya ciidamada qalabka sida ee Puntland, in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaasna ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu,