Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne oo ka tirsanaa golaha wakiiladda Somaliland.
Marxuum Xildhibaan Xamse ayaa ka mid ahaa mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana waxaa uu wasiir ka soo noqday Xukuumaddii Madaxweyne Marxuum Cigaal alle ha u naxariistee.
xildhibaanka ayaa ku suntanaa nabadayntii beelaha Somaliland isla markaana kaalin wayn ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlay shaqsiyadii Marxuumka ayaa ku sifeeyay oday qaranka Somaliland ka baxay oo taariikh wayn ku lahaa kala soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Eng Xuseen Aadan Cige Dayr oo madaxweynuhu kaga hadlay sahqsiyadda marxuumka isla markaana qaranka Somaliland uu kaga tacsiyeeyay Marxuumkana alle uga baryay dambi dhaaf iyo in uu u naxariisto,ayaa u dhignaa sidan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 17/07/2017 magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay muwaadin waayo arag ah oo muddo dheer ka tirsanaa golaha wakiilada, kana soo shaqeeyey arrimaha nabadgelyada iyo dhib u dhiska dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland